Soomaaliya oo Dowladaha Carbeed ka codsatay in laga cafiyo deymaha

Beirut-(Togaherer)-Wasiirka arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Soomaaliya ay Dowladaha ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ka codsatay in laga cafiyo deymaha ay muddada dheer ku leeyihiin.


Shirkan oo ah kii Afaraad ee ay horumarinta dhaqaalaha ka yeeshaan Madaxda Carbeed ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa laysagana kaashan lahaa cobcinta wax soo saarka, la dagaallanka macaluusha iyo gaajada iyo horumarinta Tiknolojiyadda Dalalka Carabta.

Dowladaha Qadar iyo Kuwayd ayaa intii uu Shirkaasi socday waxay Sanduuqa dhaqaalaha Waddamada carbeed ugu yabooheen dhaqaale gaaraya 100 Milyan oo Doollar, si Dhalinyarada Carbeed shaqa abuur loogu sameeyo.

Soomaaliya ayaa intii uu socday Shirka waxay Dowladaha carbeed ka codsatay in laga taageero arrimaha dib u dhiska, lagana cafiyo deymaha muddada dheer ay ku lahaayeen.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Dowladaha Sacuudiga iyo Aljeeraya ka cafiyeen Soomaaliya deymihii ay ku lahaayeen, taasoo Albaabka deyn Cafinta u fureysa Dowlaha Carbeed.

Advertisement

Ku Xayeysiiso