Askarigu Sidduu u Yimidba Askartii Ummadiibay ku Amar-kutaagleyneysaa

Mudooyinkan ugu danbeeyey Jamhuuriyada Somaliland Waxa kor u kac ku yimi dacwadaha iyo cabashada shacabku ka cabanayaan askarta siiba ciidamada booliska, kuwaas oo shacabku kaga Cabanayaan inay ku hayaan cadaadis, Xayiraad, cabudhin, caga-juglayn iyo gacan qaad ay waxyeelo ugu geysanayaan Una dheertahay xadhig bilaa sifo ah oo shacabka layska xidhxidhaayo.

Hadaba Waxa isweydiin mudan maxaa kalifay in Boolisku shacabkii ku Amar-kutaagleeyaan?

Waxa ugu wacan baa la odhankaraa :-

1,Ciidamada Booliska Somaliland 80% oo aan wax qorin waxna  akhriyin sidaa laajigeed sidee ayuu sharci dhowre iyo sharci fuliye u noqon karaa ruux aan akhriyi karayn shuruucda iyo xeerarka dalka u yaala iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadunku leeyey sidoo kale dhacdo uu joogay aan faalo ka qorikarayn.

2,in ciidamada Boolisku ayna ogaynba in cidda ay u shaqeeyaan aynan Dawlad ahayn ee shacabka yihiin, maxaa yeelay cidda mushaharkooda bixisaa waa cashuurta shacabka markaa halka gaadiidlaydu dadka ugu shaqeeyaan gaadiidka oo ay ugu daabulaan oo kale ayuu Boolisku ugu shaqeeyaa shacabka si uu u dhawro shuruucda iyo qownuunka ummadu dhigatay Una ilaaliyo nabada mujtamaca dhexdooda. Sidaa laajigeed waa qalad in Boolisku uu ku beer-laxawsado Ummada guryihiinaanu hor tumanahay si aanu u ilaaliyo naftiina iyo maalkiina nabadna ku seexataan!!

Se inay mushahar ku qaataan oo ay siiyaan kuwa ay tacadiga u gaysanayaan seegan.

3,Boolisku ma oga in uu muwaadinku xaq u leeyey in uu cabiro fikirkiisa oo xaq u leeyey inuu dhaliilo waxna ka sheegi karo xukuumada iyo qaybaha Dowladiisa ee in latoosiyo ama lasaxo u baahan Isaga oo si xor ah ugu soo tabinaaya shacab iyo xukuumadba fikirkiisa Qoraal, Tix iyo Tiraabba, sidoo kale cabasho iyo eedaynba laga tabin karo booliska lana dhaleecayn karo.

4,Madaxda sare ee booliska oo aad moodo inay qarnigii tegey joogaan oo aanay waxba kala Socon waayaha dalku ku suganyey iyo halkuu xaal maraayo, waayo taliyihii Booliska oo ogayba in ciidankii uu madaxa uu u ahaa in  sida tilifoon wax loogu shubto loona adeegsado sidii calooshooda u shaqaystayaal halka taliyaha laftiisu uu arimihii gudaha iyo amagereeshinkii howshoodii tuurta uritay ee uu ku mashquulsanyey,halka taliye kuxigeenku Isaga oo muqlaysan Intuu bir-ma-geydada jeelka dhigo ku andacoonaaya askartii Kacaankii far laguma soo taagi jirin anakana afkaa nalagu soo taagayaa waa nasiibdaro wixii laga dagaalamay ee naf iyo maal lagu waayey ee malaayiin u dhaqan gadoomeen dalandoolkay ku galeen dalal shisheeye awgood waana ayaan daro inuu masuul hogotusaale ka dhigto dharaarihii qadhaadhaa ee dadku is ilowsiinaayey, se waa mooganaanta madaxda booliska in laga tagey warkaa oo khad far ladaro wax lagu doorto,halka misna booliska af hayeen  u yahay nin wakhtigii isticmaarkii inuu joogo aad moodo oo af qalaad iyo xeer qalaad shacabka ku moosaya Intuu xidhxidho,mar hadii madaxdii Boolisku sidan tahay askartiina waa allow sahal.

5,in aanay jirin gudi madax banaan oo u dhaxaysa shacabka iyo booliska oo cabashada shacabka loo gudbiyo oo baadha saxdana booliska se halkaad ka cabanayso u dacwo tag waa horana saligaaga kasoo qaado saldhiga adigaa iskeenaye!,

Hadaba iyada oo Taasi  tahay Waxa u sabab ah tacadiga shacabka lagu hayo ayaa shacabkii leeyihiin siduu Kornaynku u yimid askartiiba wey kibirtay oo aad bay shacabka ugu faro iyo xadhig dhiiran yihiin, siday tahayba Madaxweynaha Askariga ahi siduu u yimi Askartii Ummadiibay ku Amar-kutaagleyneysaa.

Doqon ninkii Canaanta

Wuu I Caayey bay tidhaa!

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso