Kulanka Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland iyo Weftiga ka socda Baanka Aduunka


Masuuliyiin Sare Oo Ka Socda Baanka Aduunka Oo Kulan Bogaadin Iyo Bilowga Qorshaha Sannadka Cusub Ah Ku Soo Gaadhay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ee Hargeysa

“Bilowga Sannadkan Cusub Ayaa Noqon Doonnaa Mid U Badan Dhismaha Xeerarka, Xuquuqda Iyo Xirfada  Shaqaalaha  Dawladda” Guddo. Sharmarke Geelle

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Saraakiisha kale ee Xafiiskaasi, ayaa Xarunta Hay’addaasi ee Hargeysa ku soo dhaweeyey Wefti  saraakiil Baanka Caalamiga ee Aduunka ka socda kuwaasi oo u yimid inay bugaadiyaan waxqabadka iyo qorshaha sannadka cusub ee 2019-ka ee Hay’adda shaqaalaha.

Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa tafaasiil ka bixiyey ujeedka Weftiga Madaxda ee ka socota Baanka Aduunku ay u yimaadeen Magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay weftigan oo ah Saraakiil Baanka Aduunka ee Caalamiga ka socda inay u yimaadeen Bogaadinta hawlqabadkii 2018-ka ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo wada shaqayn fiicani ka dhexayso Baanka Aduunka iyo u diyaar garoowga qorshaha waxqabadka sannadka cusub ee 2019-ka oo ay ka mid tahay dib u habaynta shaqaalaha dawladdu.

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixinaayey ujeedka Weftiga ka socda Baanka Aduunka ee hay’adda shaqaalaha ay wada shaqaynta leeyihiin iyo kulanka ay Xafiiska Hay’adda shaqaalaha ee Hargeysa ku wada yeesheen labada dhinac arimaha ay ka wada hadleen waxaana md Sharmarke Geelle qoraalkiisa u dhignaa sidan.

-Kadib markii u soo dhammaaday hawl-qabadkii Sannadkii 2018 ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladdu waxaa kulan bogaadin iyo diyaar-garowga Sannadka cusub ah u soo gaadhay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda madax ka socota Baanka aduunka kuwaas oo bogaadiyey in shaqaalaha Dawladda JSL yeesheen xog sugan oo qof walba oo shaqaale ah laga hayo bu’da isha iyo farta qofka , sida oo kalena la diyaariyey dhammaan siyaasadaha iyo hageyaasha muhiimka u ah; kobcinta shaqaalaha, qeexida waajibaadka shaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Dawladda iyada oo dhanka kalena la qaybiyey badi aqoonsigii Shaqaalaha Dawladda.

 

-Sida oo kale intii lagu gudo jiray sannadkii 2018 ayaa Machadka Shaqaalaha Dawladda CSI lagu qalabeeyey qalabkii ugu badnaa si loogu diyaariyo in uu bixiyo tababaro tiro badan oo Shaqaalaha Dawladdu heli doonnaan sannadkan 2019

 

-Masuuliyiintan ka socday Baanka Aduunka ayaa Dawladda Somaliland ku bogaadiyey in diiwaanka mushahar bixinta qaranku “National Payroll sheet” uu noqday mid nadiif ah oo laga saaray dhamaan wixii shaki iyo ma shaqayste ku jiray iyaga oo dhanka kalena bogaadiyey nidaamka hufan ee Somaliland u qaaday dhanka xulashada kaalmahii ku banaanaday hawl-qabadkii tirinta Shaqaalaha Dawladda

 

-Intii kulanku socday waxaa si hordhac ah la iskula sii eegay hawl-qabad culus ee sannadkan 2019 Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu bilaabi doonto si kor loogu qaado Shaqaalaha Dawladda maadama xogtii loo baahnaa si saxar tiran u soo xarootay.

 

-Sannadkan 2019 ayaa Insha Allah noqon doonna mid wax badan laga bedelo; nidaamka shaqada, hannaanka shaqaalaha, hufnaanta adeega iyada oo dhanka kalena la dhaqan gelin doonno siyaasadaha Shaqaalaha Dawladda oo wax badan ka tari doonna; waajibaadka shaqaalaha iyo kor u qaadida xuquuqdooda kadib marka ay ansixyaan Golaha Wasiiradda JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso