*Fahanka Adeegsiga 3 Button*    ” Like, Comment And Share ” Iyo muhiimada taxadarka adeegsadaha W/Q: Shaafici Maxamed Cige 

*Fahanka Adeegsiga 3 Button* 

  ” Like, Comment And Share ”

Iyo muhiimada taxadarka adeegsadaha

W/Q: Shaafici Maxamed Cige 

°°°°°°°°°°°°       °°°°°°°°°°°°°     °°°°°°°°°°°°°

Marka hore waxaan salaan qiimo badan halkan u marinaya qofkasta oo magacayga iyo muuqaygaba yaqaan (Asalamu alaykum waraxmatulahi wabarakatu ) salan kadib

Waxaan galabta qalinka u qaatay inan wax ka iftiimiyo fahamka adeegsiga saddexdan Button ee sare Ku xusan

•Like Button macno ahaan marka la taabto ama La “click” gareeyo sida aynu wadda ogsoonahay macnaheedu waan u Bogay weeyaan ama jeclaystay waxa lasoo post gareeyay , sidaadaradeed waa taageero ka xeeldheer Comment-ga , waxaana haboon inaad ka taxadarto waxaad Like garaynaysid 

•Comment Button waa buttonka kuu suurto gelinayaa inaad ka faalooto shayga lasoo Baahiyay “post” gareeyay kasoo faaladaadu noqon karto mid Togan ama Taban waxaana haboon inaad ka taxadirtid arimaha aad ka faaloonayso garatidna saamaynta shakhsi ahaaneed ee kaaga iman karta faaladaada 

• Share Button waa Button kuu suurto gelinaya inaad faafiso macluumaad aad soo gelisay adigu ama soo geliyay saaxiibka gidaarkiisa , sidaa daradeedna waxa haboon inaad ka taxadirtid waxyaabaha aad faafinayso ama aad soo xiganayso .

Intaa hadaan kaga baxo falaqaynta Buttons-kan waxaynu mudooyinkan dambe arkaynay ama maqlaynay dad leh hebel waxa lagu xidhay Facebook ayuu wax kusoo qoray ama ka faalooday ama sii faafiyay runtii dadkaasi markay sidaa leeyihiin arinku siday u sakhirayaan maaha , waxaana jira qalad fahan dadku khalad fahmay xoriyatul qowlka , waa dhab dastuurkeena Jsl wuu damaanad qaaday qof kasta oo muwaadina xoriyadiisa iyo waliba sidoo kale inuu fikirkiisa si xora u cabiri karo qowl iyo qoraalba marka laga reebo wixii diinta iyo qaranimadda ka hor imanaya .

Muwaadin hadad tahay shaqaale private ah , Shaqaale public ah ama aanad wax camala haynin waxa haboon in afkaga , gacantada , caqligaaga iyo lugahagaba laga nabad galo , isla markaana qarankagana u tudho , wixii hagardaamo Ku ahna la dagaalantid 

      

                     Igaba Dhan

Contact      shaaficim2015@gmail.com 

WhatsApp +25263 4718656 

Advertisement

Ku Xayeysiiso