Shirka G/Dhexe ee xisbiga kulmiye hussein Badmah

 Shirka G/dhex ee xisbiga kulmiye

Xisbiyada qaranka waxa ku waajib ah sida sharciga ku xariiqan sannad kiiba mar la qabto shirarka golaha dhexe,sidaa darteed xisbul xaakimka kulmiye waxuu hormood ka noqday inuu ugu hor iclaamiyo shirkiisii golaha dhexe inuu qabsado bisha feb 23-24 2019 kuna qabsado caasimada gobolaka Borama.

Xisbiyada mucaaridka ahna waxa ku waajib ah inay si dhakhsaa u qabsadaan shirar koodii golaha dhexe si aynu u hirgelino hab u socodka dimuqraadiyada.Inkasta oo xisbiyada mucaaridka ahi aanay uba jeedin inay shirar kooda golaha dhexe ku qabtaan waqtiga dastuurka iyo sharciyada dalka u yaala ku dhaqmin,mar walbana muddo dhaaf ay tahay sida oo kale dib u dhac ku yimaado doorashooyinka dalka,una sabab yahiin iyagu.

Waxa se la yaab leh oo ilaa hada iga caqligaygu qaadan la’ayahay sababta aan la aqoon tirada xubnaha ka tirsan xisbiyada qaranka,loona kordhiyo ama loogu daro xubno cusub iyadoo looga dan leeyahay hadba siyaasada looga dan leeyahay.

Aragtidayda waxa loogu qaatay xisbiga kulmiye,balse xisbiyada mucaaridka ahi hadba  nooca ay doonaan ayay u dhigaan,waxaanay u qabtaan hadba siday ugu fulayso danahoodu.Ayagoo raba hadba siday ugu dhalayso ayay dad suuqa ka soo ururiyaan, waxaana fursada siiya guddida diiwaan gelinta ururada iyo xisbiyada siyaasada oo aan haba yaraatee ku samaynin wax daba gal ah,inkasta oo muddadoodii dhamaatay.

Waxaan leeyahay xisbiyada mucaaridka ahina inay si dimuqraadiya ah oo aan ahayn cid jaclaysi iyo seeto hoos ka xidhan ku qabsadaan shirar koodii golaha dhexe.

Waxaan ku soo afmeerayaa hambalyo xisbul xaakimka kulmiye oo qabsanaya shirkoodii golaha dhexe,waana astaan xisbiyahanimo,fulinaayana ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda xisbiyada qaranka.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso