Madaxweyne Trump oo jawaab kulul ka bixiyay eedeymo loo heysto

Donald Trump Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa ka jawaabay war laga baahiyay oo ahaa in uu isaga bixiyay amar looga been abuurayay Congresska Mareykanka,wuxuuna iska fogeeyey eedeymahaasi oo ahaa in uu amray qareenkiisii xilligaas, Michael Cohen in macluumaad been abuur ah uu la wadaago Congresska.

Warar ay baahiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay in Trump uu Qareenkiisa faray in uu ka been sheego qorshe uu damacsanaa ee ahaa in magaalada Moscow uu ka dhisayo Trump Tower,taasi oo keentay in kiiskaasi uu dhaliyo jahwareer,waxaana daabacday warbaahinta Buuzzfeed.

Donald jey Trump ayaa waxaa uu sheegay in qareenkiisa uu ka been sheegay mashruucii uu ka fulinayay Ruushka,si buu yidhi loo dhimo waqtiga uu ku qaadanayo xabsiga.

Xubno sar sare oo ka tirsan Siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa ay sheegayaan inay baadhi doonaan eedaha lagu daabacay warbaahinta Buzzfeed,si loo waajoho xaaladda dhabta ah loona helo macluumaad ku saabsan sida ay wax u jiraan,balse waxaa soo baxaya in ay jiraan cadeymo ku aadan warkaasi laga faafiyay Trump.

Wararka qaar ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu 10 jeer xogo khaas ah oo la xidhiidha dhismahaasi ka heley qareenkiisa Cohen,blasé Trump wuu diiday in xidhiidh ganacsi uu la wadaago dalka xifaaltanka kala dhexeeyo ee Ruushka.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso