Casharo Taxane ah oo ku saabsan ka hortagga dabka. Ciidanka Dab-demiska Somaliland

CASHARKA KOOWAAD.

DHAKHSO U OGAANSHAHA DABKA.

EARLY DETECTION OF THE FIRE.

Maallinba maallinta kasii dambeysa ayaa cilmiga dabdemintu usii casriyoobaayey asaga oo barbar socda qalabyada iyo horumarka isbedelaaya ee ay kolba wersheduhu ku talaabsanayaan. Waxaa jirta in ay wersheduhu maallin kastaba soo saaraan qalabyo kala duwan oo dab ololkooda iyo qiiqa sumeyntooduba semeyaan ay dhibaato hor leh la yimaadaan. Markaas waxaa daruuri noqotey khubarada ku takhasusey dab la dirirka iney u semeyaan qalabkii, xirfadihii iyo xeeladihii lagaga adkaan lahaa iyo demiyeyaashii lagu demin lahaa ba.

Hadaba, wexey culimadu isku hawleen oo markii dambena ayku guulesteen iney semeyaan qalab baadhis hor leh oo lagu ogaado dabku inta u yaryahay (Early Detection Of The Fire), qalabkaas oo loo yaqaano (Smoke Detector) oo afkeena loogu yaqaano (Baadhaha Qiiqa), waxaana lagu ladhey oo lagu xidhiidhiyey qalab kale oo qayliya ammaseba digniin bixiya marku qalabka qiiqu dareemo iney wax isbedel ahi yimadeen sida qiiqa oo kale oo la yidhaahdo (Fire Alarm) looguna yaqaano afkeena (Digaha Dabka).

Hadaba, qalabkan qiiqa sheega wuxuu u qaybsama laba qaybood oo mid waliba si gaar ah u shaqeeya labadubana wexey sheegaan qiiqa inta uu yaryahay oo loo yaqaano (Incipient Stage) oo afkeenana loogu yaqaano da’da (Heraab). Waxaana iyena jira qalabyo kale oo iyeguna sheega marka u dabku olol semeeyo ammaseba dhimbiilo ay bilaabmaan oo loo yaqaano (Flame Detectors).

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL      

Sareeye Guuto:  Axmed Maxamed xassan (Sawaxili).

Advertisement

Ku Xayeysiiso