Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Magacaabid Nin Baahan (Qaybtii 54aad) Qore: Maxamed Xoosh

 

Waxa Muuqata In Daqanka Soomaalida Ay Kusoo Biirtay Dhaqanka Ah Xoolaha Dawladu Leedahay Waa Hanti Lawada Leeyahay !

 

Dhawaaqa Shacabku Ku Ceceliyo Ee Ah Waa In Cadaalad Bulsho La Helaa , Waa Doonitaan La U Wanaagsan In Ay Kacaaan Fac Ku Niyad-san Dadkooda Iyo Dalkooda Oo Faqri Iyo Baahi Ka Xor Ah

 

Cudurada Faqrigu Keeno Ee Ay Ka Digaan Culumada Islaamka Iyo Ku Diraaseeya Arimaha Bulshada Iyo Siyaasadda Waxaa Ka Mid Ah “Hadii Xil Loo Magacaabo Qof Baahi Kusoo Koray Uu Kaga Aarsado Xilkaa“Power Abuse” Tagrifal Awoodeed Ku Sameeyo XILKAA Ha u Badnaato Mid Maaliyadeed eh

 

Hadii Uu Aqoon u Leeyahay Ninkaa Baahani Xilkaa Waa Ta Ugu Daran !

Wuxuu Tagrifalkiisu Gaadhayaa Heerka Ugu Sareeya

 

Dadka Aan Baahida Arag Badanaa Magac Iyo Maamuus Ayay Siyaasadda Usoo Galaan

Iyo Bulshada Oo Ugu Yaraan Wax Lagu Celiyo

 

Siyaasiyiinta Ladnaanta Ku Dhashay Sida “Ina Cigaal” Oo Kale Wuxuu Aqoon u Lahaa Baahiya Bulshada Waxaase u Darnaa Awood Kursigu Inay Isaga Ku Ururto Iyo Inuu Magac Ka Tago.

 

Faqrigu Fayow-Qabka Naf Ahaaneed Ayuu Dhaawacaa Markaa Muwaadinku Wuxuu U Qaaddaa Bulshada Kale Calool Xumo Tacliin Iyo Daryeel Caafimaad Iyo Baahiyihii Muwaadinku Xaq u Lahaa Ma Helo, Hadii La Fogeeyana Wuxuu Noqdaa Budhcad Bahal Ah Oo Dadka Ku Dhex Nool !!!

 

Sidaa Awgeed Dadka Hogaanka Siyaasadda u Haya Somaliland Madaxweyne Iyo Xisbiyo Iyo Weliba Ururada Bulshada Rayidka Ah Waxaa Ku Waajib Ah In Lala Dagaalamo Dawlad Xun Oo Faqriga Abuurta Si Looga Nabad Galo Qarax Ka Dhaca Bulshada Dhexdeeda

 

Madaxweynaha Barnaamijkiisa Waxa U Badan Xukuumad Dadka u Adeegta Iyo Bulsho Aan Kala Tagin “Inyar Wax Kasta Haysata Iyo In Badan Oo Waxba Hayn”

 

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso