Aakhirkii 131 maalmood ka dib doorashadii dalka Sweden ayey xildhibaannada baarlamanku maanta u coddeeyeen Stefan Löfven in uu noqdo raysalwasaaraha dalka markii labaad.

Aakhirkii 131 maalmood ka dib doorashadii dalka Sweden ayey xildhibaannada baarlamanku maanta u coddeeyeen Stefan Löfven in uu noqdo raysalwasaaraha dalka markii labaad.

Waxaa la soo maray rafaad badan iyo nasasho la’aan, laakiin hadda waxaan dareemayaa raynrayn iyo in howshani soo gabagaboowdey, sidaa waxa yidhi af hayeenka baarlamanka Andreas Norlén codeeyntii dabadeed.

Guddoomiyaha xildhibaannada xisbiga Socialdemokraterna , Anders Ygeman ayaa bogaadiyay heshiiskii ay afarta xisbi wada galeen, si dawlad lagu yagleelo.

Hoggaamiyaha xisbiga Vänster, ayaa sheegay in uu soo dhoweeynayo doorashada Stefan Löfven, hase yeeshee uu gaadh ka hayn doono hab dhaqankiisa siyaasadeed, il gaar ahna ku hayn doono.

Maria Ferm oo ah xisbiga Miljöpartiet ee dawlad la soo dhisi doona xisbiga Socialdemokraterna ayaa sheegtay iney afarta xisbi ee heshiiska ku wada galey inuu Stefan Löfven qabto hoggaanka dalka ey ku jiraan xubno aan ku qanacsaneyn qodobbada lagu heshiiyey. Waxayna ka mid tahay dimoqoraadiyadda in aan meel un la isku wada raacin ee fikirka lagu kala duwanaado.

Hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna, Jan Björklund ayay ka muuqdeen go’aannada adadag ee xisbiyadu qaateen sidii meel la isugu iman lahaa Iyo tanaasulaadka faraha badan ee ay sameeyeen .

Hoggaamiyaha xisbiga cunsuriga ah ee SD, Jimmie Åkesson. Isagu sidii laga filayay ayuu dhaleeceeyey heshiiska ey xisbiyada afarta ah ee S, MP, C iyo L ay wadajirka u gaadheen.

Waxaa uu si kooban u yidhi xisbigaygu noqon doonaa mucaarad afarta sannadood ee foodda innagu soo haysa, ama muddo ka yar, isagoona ula jeedday haddii dawladdu fashilanto amba dhacdo.

Hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf, ayaa iyadu Iyadoo Ku qanacsan u mahad celisay xisbiyada heshiiska wada galay ee afarta ah. Iyadoo intaa raacisay inay howl adagi hor taalo sidii kalsooni loo kala heli lahaa.

Ebba Busch Thor, hoggaamiyaha xisbiga KD, ayaa iyadu xustay ereyadii Jonas Sjöstedt, V, iyadoona sheegtay in xisbiyada C iyo L dabin khiyaano ah loo dhigey.

Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna, Ulf Kristersson oo isagu ka mid ahaa ragga ugu cadcad aad Iyo aadna u quuddareynayey wax kastana isku dayey ilaa isbahaysigiisii Ku burburey sidii uu talada dalka u qaban lahaa ayaa ku dhaleeceeyay Stefan Löfven inuu horey ugu guuldarreeystay hoggaanka dalka afartii sannadood ee ugu dambeeyey, islamarkaana uu xisbigiisu sidii laga filayayba anuu wax cod ah siinin.

Maalinta saacaddu markay tahay 11:00 uu Stefan Löfven ku dhawaaqi doono golihiisa Wasiirada iyo siyaasadda uu dalka ku hoggaamin doono afarta sannadood ee foodda innagu soo haysa. Isla maalintaa ayey xubnaha dawladdu booqasho ku tegi doonaan qasriga boqortooyada.

Faisal Cadami

Advertisement

Ku Xayeysiiso