Siyaasada Waddani waa karis xun iyana wax ku la’ hussein Badmah

Siyaasadda Waddani waa karis xun iyana… 

Doorashooyinka wakiilada iyo degaanka waxa dhawr sanno ahba isu diyaarinayay daljirayaal(Muwaadiniyiin) dastuurku xaq u siiyay inay u tartamaan xilalkaa oo la doorto.Intaana waxa kaga baxay aduun iyo waqti badan oo kaga lumay.Hadana fari kama qodna inay qabsoomayso in muddo kordhin loo samayn doono wakiilada iyo degaanka hada jooga.

Waydiintu waxay tahay:Maxaa maantana hor taagan doorashooyinku inay qabsoomaan?

Sidaan anigu u arko sababaha maanta dabray qabsoomida doorashooyinka waxa bud dhig u ah:

1.Xisbiyada mucaaridka ah ayaa suurta gashaday awood ay ku

   jujuub teen inay qayb ka noqdaan go’aaminta qabsoomida

   doorashooyinka,baal marsana dastuurka iyo xeerarka dalka.

2. Madaxweyne Muse iyo kuxigeen Saylaci oo awoodii 

    dastuurku siiyay uga tanaasulay ku jiq siida xisbiyada

    mucaaridku ay ku meel marsadeen awood aan dastuurka

    iyo xeerka doorashooyinku aanu banayn.

3.Komishanka doorashooyinka qaranka gebi ahaanba faraha 

   ka qaaday diyaarintii hawlahii ay ku qabsoomi la haayeen

   doorashooyinku sida qaadashada kaadhka ccodbixiyaha 

   shacabka aan hore u qaadan

Saddex daa talaabo ayaa fursad xisbiga mucaaridkaa ee Waddani  u siiyay awood aan dastuurku siin,una suurta geliyay inay adeeg sadaan xadhig ay ku dabraan qabsoomida doorashooyinka ayagoo udub dhexaad ka dhigtay kalsoonida ay kala noqdeen komishanka doorashooyinka qaranka.Waana arrimaha ku dhaliyay Waddani inuu ku dhegganaado komishanka ha kala diro madaxweyne Muse hadii kale geli mayno doorasho,hore ba waa kii Riyaale kala diraye.Taa oo macna heedu yahay berigaaba sharci darro ayaa lagu kala diray ee adiguna Mdxw.Muse sharci darro ku kala dir oo awood madaxweyne adeegso! Taasina waxay inoo caday naysaa Waddani dalka ku qasbayaa in shuruucda iyo dastuurka sanduuq lagu qufulo,  dalkana lagu hogaamiyo wada tashi iyo heshiisyo dhex mara saddexda xisbi qaran oo noqonaysa inay awoodii talada dalka la wadaa gaan cidii loo doortay.Waana dib u noqosho raadkii aynu soo maray dib u raacno.

Hadaba xisbiga Waddani arrinkiisu waa hadaan tayda la yeelin ma jirayso doorashooyin dalka laga qaban karaa.Haddana waxuu ku doodayaa oo uu yidhaa madaxweynaha ayaa awood u leh doorashooyinku qabsoomaan.Waa yaabe markuu saxsan yahay! Somalilandersku waxay yidhaa haan:Ruqa ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo.Xisbiga Waddani doorkii horena ee aan laba qaban doorashadii madaxweynaha ayagaa sabab u ahaa korodh siimahii loo sameeyay wakiilada iyo degaanka sannadkii 2017.Maantana Waddani ayaa ka masuul ah dib u dhaca doorashooyinka iyo kordhin loo sameeyo wakiilada iyo degaanka,waxayna xaq darro ku hayaan boqolaal muwaadin oo u tartami lahaa degaanka iyo wakiilada,waxaanay meel ka dhac ku tahay haykalka dawladnimo iyo kala danbayntii hogaamineed.

Gaba gabadii siyaasada xisbiga Waddani waa karis xun iyana wax ku la’

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

  

             

Advertisement

Ku Xayeysiiso