“Waxaan hubaa in maalmuhu is-gurayaan, villa Soomaaliyana ay baahi u qabto hogaamiye xikmad iyo xilkas ah”. Xil Fiqi


Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay kulan casho ah oo Farmaajo u sameeyey Xildhibaano isaga oo duray Kulankaas kuna sheegay mid dharag dhacsi ahaa .

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraalkiisa oo dhamaystiran u dhigay sidatan:-

KAFTAN LA SOO GOOGLE GAREEYEY.

Xalay ma tagin cashadii xildhibaanada loo sameeyey, waayo waxaa ii muuqatay in aanan xikmad badan ka soo kororsanayn hadalada dharag dhacsiga ah ee mar walba ka soo bixi kara mas’uuliyiinta aan siyaasad ahaanta u bisleyn ee dawladnimadaba u heysta faan iyo faduul.

Hadalkii madaxweyne Farmaajo uu sidii qur’aankii uga baxey ee uu ku sheegay kaftanka, ma ahayn kaftan ee wuxuu ahaa mid uu u gefey: guddoomiyaha golaha shacabka, kana been-sheegay xildhibaanadii mooshinka ka keenay, asagoo uu marmarsiyoonaya in uu caayo dawladdii xukunka uga horeysay.

Guddoomiye Mursal oo ahaa ninkiii: biyaha, korantada iyo raashinka markii laga goostey ka qaxay Madaxtooyada illaa iyo haddana ka Maqan ma aheyn in uu raalli ka noqdo in Farmaajo uu ka dhigto jaranjaro uu dad uu caayayo u sii maro, waxeyna aheyd in uu ka bixiyo jawaabta ku haboon, laakin inuu hadaladaas cantara-baqashka ah u camiro lagama fileyn!

Madaxweynuhu haddii uu geesi yahay waxey aheyd mudadii bisha ku dhoweyd ee mooshinkaasi ka yaalley ee uu ku mashquulsanaa koronto iyo biyo jarowga, albaabo qufulowga iyo ciidamo wax ku aragagixinta in uu hadlo, laakin hadaladaan ka daba-tuurka ah waa kuwo waqtigoodii dhacey.

Tan kale, haddii mudane Farmaajo uu ku eedeeyey koox qabyo la yiraahdo in ay mooshinka ka danbeeyeen, uuna inkiray in xildhibaanno boqol ku dhow ay mooshin ka keeneen, waxaan iyana u malaynayaa inuu hadalka u duur-xulayey raysulwasaare Xasan Cali Kheyre oo ahaa ninka labaad ee Qabyo ugu tunka weynaa oo meesha fadhiyey, oo asna qosolka ku kaalmeynayey markii la caayayey.

Marka madxaweynuhu hadalkiisii u ekaa mid la soo google-gareeyey, wuxuu ahaa mid gogoshii cashada dadkii isugu yimid, xildhibaanadii, guddoomiyihii iyo raysulwasaarihiiba wada jaa’ifeeyey, waxaana muuqata in mudane Farmaajo khudbooyinkiisii u danbeeyey ay ahaayeen kuwo diiraddu ka maqan tahay, dadka dhageysta oo jeclaa in hogaamiyaha dalkooda uu sidaan ka xikmad badnaanaadana waxey ku reebeen quus iyo niyad-jab, laakin waxaan hubaa in maalmuhu is-gurayaan, villa Soomaaliyana ay baahi u qabto hogaamiye xikmad iyo xilkas ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso