Trump”Waa ceeb in la i weydiiyo xiriir in uu igala dhexeyo Ruushka”

Iyadoo ay sii xoogaysanayaan eedeymaha ku aadan in madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Jey Trump uu xidhiidh uu kala dhexeeyo hoggaamiyaha Ruushka Putin ayaa hadana madaxweyne Trump wuxuu si weyn uga soo horjeestay eedeymahaasi, oo uu ku tilmaamay been abuur.

Madaxweynaha Mareykanka oo warbaahinta kula hadlayay bannaanka Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay su’aasha la isweydiinayo oo ah xidhiidhka isaga iyo Putin,mar uu ku sii wajahnaa gobolka Louisiana ee dalkaasi Mareykanka.

Mr Trump ayaa ka jawaabay warbixino ay daabacen Jariiradaha Washington Post iyo Newyork Times, oo muujinaya in Trump uu daboolayo kulan uu dhexmaray isaga iyo Putin goor hore,taasi oo shaki dhalin karta,iyo sidoo kale markii uu xafiiska ka eryay agaasimihii hay’addaasi, James Comey, bishii May ee sanadkii 2017,taasi oo keentay in Shakiga FBI-da Mareykanka uu sii xoogaysto.

Waxa kale oo uu qorey wargeyska New York Times inuu howlahaasi uu la wareegay golaha gaarka ah ee wasaaradda cadaaladda ee uu hogaaminayo Robert Mueller.

Tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Trump waxaa jiray shaki ku aadan in doorashadii dhacday 2016 uu galangal ku lahaa dalka Ruushka,waxaana kala aragti duwanaansho ka dhexjirta Trump iyo hay’adaha amniga dalkaasi qaarkood oo arrimahaasi la xidhiidha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso