Madaxda Mareykanka iyo Waqooyiga Korea oo la filayo in ay kulmaan Mar Labaad

Mareykanka iyo Waqooyiga Korea ayaa qorsheynaya sida ugu dhaqsiyaha badan in todobaadkan ay magaalada Washington ku qabtaan shir heer sare ah oo ku saabsan is aragga kulanka labaad ee madaxda labadaasi dal iyo sii ambaqaadidda arimaha la xidhiidha hubka nuclear-ka.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Koofur Korea,waxay sheegeen in kulanka dhinacyadaasi ay hogaaminaayaan Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Mike Pompeo iyo Kim Yong-chol oo Waqooyiga Korea ah,waxaana lagu wadaa in labadaasi sarkaal ay kulmaan Khamiista ama Jimcaha,sida uu maanta ka dhawaajiyay Kim Yong-chol oo Koofur Korea ah.

Dhinacyadaasi ayaa la filayya in ay soo bandhigaan waqtiga iyo goobta uu ka dhacayo kulanka labaad ee Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Korea Donald Trump iyo Kim Jong-un .

Kulankii u horeeyay ee dhexmaray labadaasi hoggaamiye waxa uu bishii June ee la soo dhaafay ka dhacay dalka Singapore .

Advertisement

Ku Xayeysiiso