AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE AXMED XASAN CARWO WAXUU TACSI KA DIRAYAA GEERIDA MARXUUM CISMAAN ABSHIR

Innaa Lillaahi waa innaa Illeyhi raajicuun
IIlaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo saaxiibkey Cismaan Abshir Cabdala Maxamuud oo Jeel iyo jihaadba u soo galay qaranka Somaliland xiligii SNM ilaa maanta oo uu ahaa hormoodka xisbiga Kulmiye, qurbe iyo gudaba. Saaxiibkey Cismaan waxuu ahaa saaxiib aanu fadhi iyo socod wadaag ahayn, nin af gaaban, cibaado badan, akhlaaq wanaagsan, dadka la jecel wanaag xataa Kan xumeeya. Nin aan aqoon aargoosiga.Nin samafale ah oon wanaaga uu falo ku abaal sheegan.Waxaanu si hagar la’aan ah safka hore ugu jirnay ololihii doorashada Madaxtooyada 2017 ee xisbiga Kulmiye. Cismsan waxa xaqqi ugu yimid dalka Jabuuti maanta 15/01/2019.

Waxaan Tacsida iyo tiiraanyada la wadaagayaa xaaskii, ubadkii,tafiirtii,ehelka kale, xigto,xigaal, xisbiga Kulmiye, jaaliyadda Sweden, Qaranka Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer.
Alle ha u naxariisto Cismaan Abshir, qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa Fardawsta sare ehel iyo asxaabna hayna waafajiyo samir iyo duco.Aamiin.

AXMED XASAN CARWO

AGAASIMAHA FUUD

BAANKA DHEXE EE SOMALILAND

Advertisement

Ku Xayeysiiso