Amiir Turki al-Faysal oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga oo ka hor yimid bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Syria

Iyadoo Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike pompeo uu socdaal ku tagay dalka Sucuudiga,ayaa durba xubno ka tirsan qoyska talada haya ee dalkaasi ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan qorshaha Mareykanka ah ee ka bixitaanka Syria.

Amiir Turki al-Faysal oo ka tirsan qoyska haya talada dalkaasi Sucuudiga, islamarkaana saameyn weyn ku leh ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo qorshaha isagoo ku tilmaamaya mid horseedaya in fursado ay u arkaan arintaasi xulushada Iiraan,Ruushka iyo Hogaamiyaha Syria Bishaar al Asad,isagoo ka digay in saameyn ay ka dhalan doonto.

Waxaa uu imaanaya hadalkiisa xili xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka uu booqanayay dalkaasi Sucuudiga,kaasi oo booqday magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sucuudiga si uu ula kulmo madaxda dalkaasi.

Safarka Mike pompeo oo ahaa mid uu ku marayay wadamada dhaca Bariga Dhexe,ayaa wuxuu isagu horey u la soo kulmay mas’uuliyiinta wadamadii uu booqday oo ay kamidka ahaayeen Ciraaq,Urdun,Baxreyn iyo Masar,wuxuuna Mr Pompeo uu siweyn u dhaliilay dowladaha kale ee caalamka oo uu sheegay in ay iska dhega tireen arrimaha Syria.

Mr Pompeo ayaa socdaal ku maraya Bariga Dhexe, wuxuuna goor horeba booqday dalalka Ciraaq, Urdun, Masar iyo Bahrain.

Xoghayah arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa u tagay Sucuudiga arrimo la xidhiidha baadhitaanka dilkii Wariye Jamal Khashoggi,Syria,Iiraan iyo Colaadda ka taagan Yemen sida ay sheegayaan warbaahinta dalkaasi Mareykanka ka howlgasha qaarkood.

Geesta kale Amiir Turki al-Faysal uu sheegay in bulshada caalamka ay ceeb kutahay in ay dhabarka u jeediyaan shacab Suuriya iyo in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ay xaaladda uga sii darayso.

Donald Jey Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhamaadkii sanadkii tagay ku dhawaaqay in la joogo xiligii ciidamada Mareykanku ay isaga bixi lahaayeen dalkaasi Syria.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso