Washington iyo Ankara oo ka heshiinaya arrimo lagu badbaadinayo Kuridiyiinta

 Wadamada Mareykanka iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhextaagan kala aragti duwanaansho siyaasadeed ee ku aadan sida loo soo afjari karo howlgalada isbahaysi ee ka socda dalka Syria,tan iyo markii socdaal uu ku tagay Bariga Dhexe Mike Pompeo oo ah xoghayaha difaaca Mareykanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka Mr Pompeo ayaa dhigiisa dalka Turkiga kala hadlay arrimo ay kamidka yihiin in Turkigu uu dalkiisa ka difaaco qataraha kaga imaanaya kooxaha argagixisada.

Xukuumadda Ankara ayaa aaminsan in aysan marnaba ka tanaasulin go’aankeedi ahaa in hujuumaad military ay ku qaado goobaha ay ku sugan yihiin Kurdiyiinta,ku sugan xuduudka Turkiga iyo Syria,kuwaasi oo loo arko Qatar amni.

Dhanka kale Mareykanka ayaa Siyaasad ahaan gadaal ka riixaya qorshe ku aadan in laga soo horjeesto galaangalka Iiraan ay leedahay,maadamaa ay isku maan dhaafsan yihiin mabaadi,farabadan oo xagga isbahaysiga ah,isagoo ku tilmamaay in Iiraan ay dowr ku leedahay in dalalka carabta xasaradaha kajira,balse Iiraan ayaa aaminsan aragti ka duwan midda uu ka aaminsanyahay mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa dalka Syria waxaa ay horey ugu dirtay ciidamo aad u farabadan,kuwaasi oo gaadhayay ilaa 20 kun oo military ah,balse dhawaan waxaa uu ku dhawaaqay in ciidankiisu uu kala bixidoono halkaasi,sababo la xidhiidha dhinaca farsamada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso