Nuxurka Heshiis Lagu Tayaynayo Aqoonta Garsooreyaasha Oo uu Guddoomiyaha Jaamacadda BEDER la saxeexday GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE

Nuxurka Heshiis Lagu Tayaynayo
Aqoonta Garsooreyaasha Oo uu Guddoomiyaha Jaamacadda BEDER la saxeexday GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE

Hargaysa(Togaherer)Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder Ayaa Heshiis Lagu Tayaynayo Garsoorayaasha Dalka La Saxeexatay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali.
Munaasibadan Lagu Saxeexayay Heshiiska oo ka dhacday Maxkamadda Sare Ee Somaliland ayaa labadda dhinaca iskula af-garteen in ay haboon tahay in kor loo qaado aqoonta Garsoorayaasha ka Hawl Gala Maxkamaddaha Dalka.
Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah Ee Beder Mubaarig Ibraahim Aar ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay Jaamacadu siinayso Garsoorka dalku inuu yahay sidii aqoontooda loo dhisi lahaa madaama oo ay joogaa goob loogu garnaqayo bulshadda.
“Runtii Maanta waxa noo
sharaf ah inaanu heshiis la saxeexano maxkamadda sare ee somaliland run ahaantii markaanu aragnay kartida iyo waxqabadka guddoomiyaha maxkamadda sare iyo sida uu ugu heelan yahay inuu wax ka badal ku sameeyo garsoorka dalka isla markaasna uu bilaabay inuu tayeeyo shaqaalaha iyo garsoorayaasha dalka markaas jaamacadda bederna waxa ay go’aansatay in ay kala shaqayso hawshaas oo wax wayna waliba kala qabato.

Intaas waxa uu ku daray guddoomiyaha jaamacadda beder isaga oo hadalkiisa siiwata.”markaas heshiiskan labadda dhinaca waxa uu daaran yahay in jaamacadda beder wixii aqoon iyo takhakhusaada ay hayso ay uga faa’idayso garsoorayaasha dalka iyo shaqaalaha ka shaqeeya maxkamadda sare iyo waliba maxkamaddaha dalka dhinaca bederna waxa ay iyaguna diyaar u yihiin in ay ardaydoodu ka faa’idaan garsoorka dalka oo kuliyaddaha khuseeya garsoorku ay halkan yimadaan oo wixii tababaro ah ay ku sameeyaan oo cidii garsoore u qalantana runtii ay ka qayb qataan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Beder ayaa sheegay in maxkamadda sare iyo Jaamacadda Beder ay iska kaashan doonaan in ay sameeyaan Cilmi baadhis ku saabsan sidii loo horumarin lahaa garsoorka dalka.
“Sidoo kale waxa heshiiska ku jira in jaamacadda beder iyo maxkamadda sare iska kaashaddaan in ay cilmi baadhis ku sameeyaan sidii loo horumarin lahaa garsoorka dalka waxaana sidoo kale heshiiska ku jiray in ay wacyi-galinta kala qayb qataan jaamacadda beder ee lagu wacyi-galinayo garsoorka dadaalka uu bixinayo hawlaha uu wado iyo xuquuqdooda ay ku ogadaan iyaga oo iska kaashanaya jaamacadda beder iyo maxkamadda sare taas oo bulshadda la fahansiinayo cadaaladu waxa ay tahay iyo sida ay u shaqayso,markaas waanu ku faraxsanahay heshiiska ay labadda dhinaca wadda galeen oo garsoorka lagu tayaynayo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Xaaji Cali Ayaa soo dhaweeyay heshiis lagu tayaynayo garsoorayaasha ee Aqoontoodana kor loogu qaadayo ay wadda saxeexdeen Jaamacadda Caalamiga ah Ee Beder.
“Runtii maanta waxaanu halkan heshiisyo ku kala saxeexanaynaa Jaamacadda Beder heshiiskani oo ah laba dhinaca taasi oo lagu tayaynayo garsoorayaasha ka hawlaha gala maxkamaddaha dalka taasi oo la doonayo in kor loo qaado aqoontooda ay u leeyihiin xaga sharciga,markaas maanta halkan waxaanu heshiis kula galaynaa jaamacadda beder oo ah jaamacadda kaliya ee bixisa takhakhusaad aan jaamacaddaha kale lahayn oo anagana faa’ido wayn noo ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso