AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE AXMED XASAN CARWO OO TACSI DIRAAYA MARXUUM CAAQIL XASAN TAMUUJE

Inaa’lilaahi Wa inaa ileyhi raajicuun.Annigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo, waxaan tacsi ka dirayaa geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Xasan Axmed Cali Tamuuje oo cawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Waxaan tacsida la wadaagayaa qoyska reer Tamuuje, ehel, ubad, tafiir, xidid iyo xigaal iyo reerkeena uu caaqilka u ahaa.

 Caaqil Xasan waxuu ahaa nin cibaado badan, wanaag jecel, samotalis nabad jecel oo khilaafka neceb.

Alle ha u naxariisto,qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa Fardawsta sare ehel iyo asxaabna ha waafajiyo samir iyo duco .

Axmed Xasan Carwo  

Advertisement

Ku Xayeysiiso