Kawaanka caasimada waa in laga dhex saara gudaha caasimada madaama uu dhiskii degaanka caasimadu uu sii fidaayo

 

 

Qore dr buuh fariin caafimaad

Kawaanka caasimada waa in laga dhex saara gudaha caasimada  madaama uu dhiskii degaanka caasimadu uu sii fidaayo si looga badbaado  caafiimad daro kaga iman karta  bulshada hareero degan kawaanka hargeisa waa in gaadiidka hilibka qaada loo sameeyo qaboojiye  lagu qaado hilibka laga soo qaadayo maslakha kawaanka

Bulshadu waa in ay had iyo goor heshaa hilib nadiif ah oo lagu soo qalay maslakh nadiif ah oo lagu xafiday keeses lagu ilaaliyey gadiid uu ku rakiban yahay qaboojiye  si looga badbaado xanuuno ka iman kara  qaliinka xoolaha iyo hilibka lagu iibiyo sariibadaha oo aan ka xafidnayn  wasakhaw kaga yimaada goobta sariibadaha ee ganacsiga hilibka lagu iibiyo  sidoo kale waa in kawaanka qaliinka xoolaha uu ka baxsanadaa  goobta dhiska magaalada  maadama uu dhiskii deegaanka  magaalooyinku sii fidaayo  waa in uu ku yaala goob wafaqsan sharciga dhiska kawaanada oo waafaqsan sharciga fayadhowrka caalamigu sida uu dhigaayo

Dadka had iyo goor ka shaqeeya qaliinka xoolaha waa in ay ahaadan dad u tababaran dhibaatada caafimaad ee kaga iman karta dhiiga qaliinka xoolaha 

Waa in ay gashadaan dress  kabo gloves  mask si ay uga  badbaadan  xanuunka toxoplasmosis oo ku keeni kara  haweenka  dhicis badan waqtiga uurka  masuuliyadaas oo dhan waxa looga baahan yahay  in shirkada kawaanka maaamusha ay ku dhaqmaan

 

Looma baahna in kawaanka caasimada hargeisa uu dib ugu noqdo waqtigii dawlada hoose gacanta ku haysay  ee shirkada maandeeq ee kawaanka ka masuulka ah  waa in lagu daba galaa xaalada nadaafada kawaanka iyo sariibadaha  hilibka lagu iibiyo  xaaladooda fayadhowr  ee nadaafada hilibka  si loo ilaaliyo  fayadhowrka hilibka  gadiidka hilibka shirkadu  ku qaada kama duwana  karyoonkii iyo dabeerkii hilibka lagu soo qaadi jiray waqtigii kawaankii hore ee caasimada  urta maslakha  kasoo baxda  kawaanka  waa mid aan waafaqsanayn  sharciga maamulka kawaanka hada

Waa in dawlada dhexe siisa kab dhaqale si loo horumariyo hawlaha shaqo fayadhowr ee qalinka xoolaha ee kawaanada  sariibadaha ganacsi  ee dalka si iib dibadeed loogu helo qalinka hilibka xoolaheena sayladaha suuqyada ganacsi ee caalamka  bulshaduna u hesho hilib fayo qaba oo fresh ah

Xaalada nadaafadeed ee kawaanada dalka oo aan wanaagsanayn marka la barbar dhigo kawaanada dalalka jaarka iyo shirkadihii oo uu ku yimid dib u dhac waxqabad  horumar shrkadeed dakhliga  kazoo gala qaliinka  xoolaha nool oo aan dabooli Karin  horumarka shaqo ee shirkadaha dalka

Waa in uu jiraa nidaam maamul ee shirkadu kula socon karaan qaliinka xoolaha ee kawaanka si looga sooci karo neefka bakhtiga hilibkiisa  neefka buka ama tuugada ah waa in hilibka kawaanada dalku uu lahaada shaambad qalalan oo cadaynaysa in neefkaas kawaanka shirkada lagu soo qalay  nidaam sharciya hilibkoo bacaysan

Waa in markasta aynu ilaalinaa daryeelka  caafimaad ee xoolaha nool korna loo qaada  shuruucda shaqo ee fayaqabka iyo kawaanada maamulkooda shaqo si aynu ugu heli karo in dalkeenu dibada u iibgeeyo  xoolo hilib fresh ah oo  caafimaad qaba  shirkadaha kawaanada maamula dawlada hoose ee dalku waxay  xaq u leeyahiin in ay ku sameeyaan  kormeer joogto oo shaqo maalinkasta xaalada nadaafada kawaanada iyo qalinka hilibka xoolaha nool  lagu sameeyey goobta shirkadii buuxin shuruudaha shaqo ee laga rabo in sharciyan dib looga qaado heshiiska ruqsada shaqo lala galay dibna loo iclaamiyo shirkad ka waxqabad badan  ma aha in dawlada hoose ee dalku heshiis qarsoon ay kula jiraan shirkadaha

 

Dadku waxay ku bixiyaan  lacagta qaliinka xoolaha nool si shirkadaha gacanta ku haya kawaanada dalku ay ugu keenan qaliinka hilibka neefka isagoo laga soo shaqeeyey meherada ama goobta sariibadaha dalka

 Dhaqaalaha  yaraan Shirkadaha oo aan haysan gadiid u ku xidhan yahay qaboojiye si loo ilaaliyo  fayaqabka qalinka hilibka  waxa ka iman kara  xanuuno keena waxyeelo caafimaad

Goorma ayey bulshadu heli karaan hilib fresh ah oo lagugu qalay  bisimka allah si fiican loo diyaariyey weelka hilibka lagu ridayo goobta sariibada ee lagu iibinaayo oo si fiican loo soo baadhay  fayaqabka qaliinka xoolaha nool

Kawaanada dalku waxa hore gacanta ugu hayey  maamulka dawlada hoose ee dalka markii ay noqotay mid dawlada hoose ay dabooli kari waayeen  nadaafada shaqo ee qaliinka  hilibka ayaa lagu wareejiyey  shirkado private ah  oo gacanta ku haya  mamulka kawaanka  magaalooyinka si ay ugu diyaariyaan  bulshada hilib fresh ah oo la soo mariyey  baadhista caafimaadka  qaliinka xoolaha

Waxaad mooda in shirkadihii loo  dhiibay masuuliyada  qaliinka xoolaha nool in ay ka jirto kawaanada dalka dayac shaqo oo nadaafad xumo keeni kara waxyeelo caafimaad daro oo ka iman karta  qaliinka xoolaha sida hadii ayna wanaagsanayn nadaafada maslakha qaliinka nadaafada gadiidka keesaska hilibka  nadaafada sariibadaha ganacsiga ee suuqa

Kawaanku waa in uu ku yaala goob ku haboon oo ka fog dhiska caasimada  oo jirto hawo iyo biyo ku filan oo joogta ah  ka xafidan xayawaanka sida eyda oo ay ka hawlgalayaan drs xanaanada xolaha iyo wasaarada caafimaadka oo si wada jir ah  ula socda fayo qabka xoolaha lagu qalayo  kawaanka maalinkasta si loogu diyaariyo  bulshada hilib nadiif ah oo lasoo baadhay oo ay ku taalo shaambadii  fayo qabka xoolaha

Hadii nadaafada diyaarinta qaliinka xoolahu ay la kulanto inyar oo khalad nadaafad daro waxa imankara in dhamaan ay bulshadu ku xanuusato  cunista hilibka qaliinka xoolaha  ama ay ku sumoobaan

 

Waxa iyana meesha ka baxday in aanay jirin kormeer shaqo oo lagula socon karo qaliinka xoolaha iyo shirkadaha gacanta loo galiyey kawaanada dalka  oo uu ka muuqdo dayac shaqo nadaafad xumo iyo masuuliyad daro

Hilibka qalinka xoolaha iyo qashinka hadhaaga qaliinka waa in shirkada  ka masuulka ah kawaanada ay geeyaan goob dump sites oo gaar ah oo dareeraha dhiiga iyo hilbaha loogu talo galay oo ka fog deegaanka magaalada si loo ilaaliyo fayaqabka bulshada ku nool magaalooyinka dalka  kuna hawl galaan gadiid loogu talo galay qashin qubka kawaanada dalka

Waa in shirkaduhu ay  ilaaliyaan kawaanada iyo nadaafadooda si  aanu u noqon kawaanadii iyadoo xoolaha lagu qalayo ur iyo riiixad qadhmuun aan loo gali jirin dayacnaana eydu iyo waraabuhu ay weerari jireen  xoolaha la qalayo ee kawaanka lagu qalayo

 

 

Shirkaduhu waxay samayn karaan qorshe dib looga faaidaysto noocyada hadhaaga hilibka oo dib shirkadu ay uga heli karto dhaqaale abuur sida xiidmaha iyo dhiiga hadii ay shirkadu keenan mishiinadii dib loogu nadiifinaayey looguna diyaarinaayey waa hadii ay shirkadu ku shaqaynayso  aqoonta shaqo ee maamulka kawaanada dalka

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso