Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Qaybtii 17-aad)

Hadalkaas oo ay ku tilmaameen in uu ahaa hadalkii ugu liitay ee ay ka maqlaan masuul ka mid ah waaxyaha markabkaas, waxa kale oo ay ku tilmaameen in uu hadalkaasi uu ahaa, mid feydaayey heerka uu gaadhsiisan yahay garashadiisa aqooneed iyo naakhuudihii u wakiishay masuuliyada waaxdaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in wakhtigaas la filaayey waxsoosaarka beerahaas midhaha ka soo go’idoonaa ay dabooli doonaan baahida cunto yaraaneed ee soo food saaraysa qaybo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabkaas
Wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha ay dhisay 13-goobood oo iskugu jiray goobaha adeegyada caafimaadka iyo baadhitaanka xoolaha, goobaha ganacsiga hilibka iyo gowraca xoolaha, halka, waaxda horumarinta caafimaadka dadka iyo nadaafada guud ee markabkaasina ay dib u fureen 53-xannaanooyinka daryeelka caafimaadka hooyadda iyo dhalaanka oo xidhmay iyo in ay wali gacanta ku hayaan dhisitaankooda 9-goobood oo loogu tallo-galay daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, isla markaana, ay u qaybiyeen cusbitaalo ka mid ahaa cusbitaalada markabkaasi, qalab caafimaad oo gaadhayey 43- qalab caafimaad ah, balse, laguma xusin kharashka qiimaha qalabkaasi ku baxay iyo in lagu caawiyey ama ay ka soo iibsadeen dakhliga miisaaniyada markabkaas.
Isla markaana, waxay bixiyeen qandaraasyo lagu dalbanaayey gawaadhi cusub oo tiradoodu gaadhaysay 52-gaadiid ah iyo qalab ama agab gaadhayey 32-qalab ah iyo dhismayaal tiradoodu gaadhaysay 47-goobood, oo iskugu jiray dhismayaal cusub iyo dayactir, balse, qoraalkaas laguma xusin kharashkii ku baxay qandaraasyadaas, Halka, waxqabadka waaxda warfaafinta, wacyi-galinta iyo madadaalada dadka, ay soo iibsadeen qalabyada casriga ah ee lagu daabaco buuggaagta, qalabkaas oo tiradoodu dhameyd 11-mishiin oo waaweyn, inkastoo aan lagu xusin kharashka qiimaha lagu soo iibiyey miishiinadaas.
Dhinaca kale, khabiir aqoon u leh arimaha xidigiska iyo saadaasha cimiladda bad-maaxida, oo inta badan ku falanqeeya isbedeladda dabeecadaha cimilada, hawada, dowladaha iyo bad-maaxida maraakiibta, Ayaa ku tilmaamay sannadkaas, in dabeecaddaha caqli-galka ahi ay saameyn ku yeelan doonaan dhiirigalinta cadhada degdega ah ee khusaysa isbedelka awoodaha xaaladdaha jira, kuwaasoo, hab-dhaqanada dabeecaddaha dagaalka badan ay keenaan khiyaamada inta badan soo noqnoqota, lagana aamuso, iyo in laga qariyo dhalin yarada aqoonta leh waxa ay arkayaan ee u muuqda dhinaca nolosha iyo dareenka noloshu waa in ay tahay waayo-aragnimada loo maro kacdoonka iyo xiisaddaha kacsanaanta.

Waxa kale oo uu ku tilmaamay sannadkaasi in lala xidhiidhiyo, xaaladaha adag, dareenadda xooga badan, su’aalaha iskhilaafsan ee had iyo jeer iska horyimaada ee loogu yeedho daldaloolinta, dhiirri-galinta dareenka cabiraadda, cuntada, khamriga iyo galmada.
Dhinaca Dowladdaha waxa uu ku tilmaamay in si naxariis leh hoos loogu eegi doono aqoonsiga xuduudaha Dowladdaha aan la aqoonsan, iyadoo la qeexaayo asal ahaan faracoodu halka uu ka soo unkamay xuduudahaas, Inkastoo dowladdaha qaarkood ay u muuqdaan inay iska caabinayaan arintaas xuduudaha, haddana, waxa suuro-gal ah in ay ku dhamaato nabadda iyo isafgarad buuxa.
Dhinaca Siyaasadda iyo Diimaha waxa uu ku tilmaamay in ay jiri doonto wakhtigan, in ay soo badan doonaan kiniisado ku faafin doona wacyigalin diimeed mareegaha iyo baraha bulshadu ay ku kulmaan ee xuubka caarada, waxa kale oo sii xoogaysan doonta tayeynta faracyadda faraha badan ee diimaha, waxa hoos u dhac ku iman doonaa xaqiiqada dhex-dhexaadimeed, taasoo keenaysa in la iswaafajiyo midnimadda tafaraaruqa diimaha, waxaana jiraysa wacyi-galin badan oo hoos u dhigaysa xaaladdaha taagan, in ay ku dhamaadaan si hagaagsan, inkastoo, ay arintaasi halisteeda leedahay oo hal-gan lagaga hor iman doono, sidii loo mideyn lahaa sannadka soo socda baraarujinta ahmiyadaasi ay leedahay jiritaanka nabadda iyo farxadda, waana in la muujiyaa u diyaar garowga ka hortaga xaaladdaha aan khaladaadka lahayn cadeyntooda iyo isku-xidhnaantooda, haddiise, ay arrimahaasi sii fogaadaan, waxay horseeddi karaan inay ka sii xumaato xaaladda awooddeed ee la rajeynaayey, ujeedada ugu muhiimsana waa in la eegaa maalin kasta jihada loo socdaa in ay tahay jihadii la rabay, isla markaana la sii wadaa, iyadoo la hubinaayo inay si caddaan ah loo arki karo, la iskuna dayaa si taxadir leh in loo hello wararka suurto-galka ah ee xaqiiqaddooduna ay dhabka yihiin.
Waxa kale, oo la fillan jiray dacaayaddo badan iyo falsafaddo si fudud loo faafiyo, waxaana muhiim ah, in la isku dayo dhamaan in la tixgalliyo illaha macluumaadkaas lagu baahinaayo qoraalladooda ama codka muuqaal baahiyayaasha, isla markaana, si toos ah loola socdaa been-abuurka iyo fikraddaha qalafsan ee qulqulayaa aanay si dabacsan u soo dhex-gali karin Salaadaha, waxaana laga yaabaa iyagoo sida daadadka u qulqulaaya lagu baahiyo mareegaha ama baraha bulshadu ka wada-xidhiidhaan ee Internetka.….. La soco………….
Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso