Saddex Qof oo ku dhimatay mudaharaadyada ka socda Dalka Suudaan

Ugu yaraan Saddex Qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay, tiro intaa ka badanna way ku dhaawacantay , Mudaharaadyo ka socday Magaalada Labaad ee ugu weyn Dalka Suudaanta waqooyi ee Omdurman.

Dilka ayaa dhacay markii ay Boliiska Dalka Suudaan Rasaas nool ku fureen Dad dhigayay Dibed baxyo looga soo hor-jeedo Dowladda, sida ay Wakaaladda Wararka ee Anadolu u sheegeen Saraakiisha Caafimaadka ee Dalkaas.

Af-hayeen u hadlay Booliska Suudaan oo lagu Magacaabo, Hashim Cabdul-Rahim , ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay heleen warbixinno sheegaya in ay jirto Saddex dhimasho ah iyo tiro aan wali la ogaan oo dhaawac ah, wuxuuna sheegay in ay baadhi doonaan dhacdadaasi, mar uu u warramayay Wakaaladda Wararka Suudaan ee SUNA.

Mas’uuliyiinta Dalka Suudaanta Waqooyi ayaa sheegay in tan iyo markii ay bannaan baxyadu ka billoowdeen halkaasi ay dhimashu gaadheyso 22 Qof, halka Ururrada mucaaradka ahna ay ku doodayaan inay rabshadaha ku geeriyoodeen 40 Shacab ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso