WAXII AAD DALKAAGA U QABAN KARTO CIDNA HA LA SUGIN AMA HA KU EEGIN EE ADIGU QABO

WAXII AAD DALKAAGA U QABAN KARTO CIDNA HA LA SUGIN AMA HA  KU EEGIN EE ADIGU QABO.

===================================

( Madax iyo Shicib qofwalowba waxii aad u qaban karto dalkaaga qof kale ha ku halaynin  )

Wax weyn baynu qabsan karnaa hadii uu qofwaliba isku xilqaamo inta uu qaban karo , waxa ugu yar ee aad qaban kartaa waa in aad dariiqa ka weeciso waxii aan ku habooneyn ama dadka waxyeelaya ama aanad adiguba ku tuurin wax ee aad raadiso meel ku haboon qashinka.

Waa hubaal in hadii aynu isku wacyi galino in qofkastaaba toosiyo halka nolosha kaga beegan inta uu awoodo in aynu wax weyn qabsan karno oo qiimaheena dadnimo iyo nolosheenaba qurxiya.

Bal kawaran hadii aynu bishiiba hal maalin isku xilqaano in qofwaliba soo kordhiyo wax dalka iyo deegaankaba anfacaya, tusaale in uu beero dhir  ama in uu iska nadiifiyo deegaanka uu dagan yahay ama ku ganacsado ama ka shaqeeyo saw wax weyn nolosheena iska badeli maayaan hal sano gudihii.

Waxa aan kula talin lahaa in aynu dadkeena barno oo ku barbaarino in qofwaliba wax u qaban karo dalkiisa oo aynu ubadka guryaha iyo goobaha waxbarashadaba loogu sheego in ay masuuliyadi ka saaran tahay naftiisa, deegaanka ku xeeran iyo dalkiisaba oo aynu noqono dad seeska ka soo dhisma.

Marka aan leeyahay dalkaaga wax u qabo , u fahan in aad adigu wax wanaagsan qabsaneyso oo dalka u qabaneynso oo aanad u arag wax ay cid kale leedahay ama aad tarayso ee ay tahay waajibaad adigu aad iska guday oo if iyo aakhiroba ku anfici doona.

Sidaas oo kale in aynu inagu waxii aynu qaban karo aynu qabano oo aynaan cid kale ku eegini,  wax ay kugu beeraysaa lexojeclo iyo masuuliyad , markaasi ayeynu ka adkaan karnaa inta aynu masuuliyadaha waweyna iyo u adeegida umada u dhiibanay, waxii aynu uga baahanahayna aynu ku daba taagnaan in ay inoo qabtaan.

Waxa aan u soo jeedinayaa madaxda qaranka dhamaantood in ay dadka ku baraarujiyaan wax wadaqabsiga iyo iskaa wax u qabsoba in loo shaqeeyo oo ay iyagu horseed ka noqdaan si dadku wanaaga uga daydo oo ay inoogu noqoto wado mustaqbalka dadkeena dhista.

Soo jeedintii iyo taladii

Muhamed Dhimbiil

Advertisement

Ku Xayeysiiso