Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Qaybtii 16-aad)

Waxa kale oo uu xanbaarsanaa dhanbaal sidahaasi, waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, in ay soo dabteen kaluumaysatadu sannadkan kaluun gaadhaya qiyaas dhan 2024.238 –tone, waxa iyana isweydiin muddan, haddii dadka ganacsatada ah ee saarnaa markabkaas ay ka soo iibsadaan doonyaha ka kaluumaysta baddaha, kaluun tiradiisu ay gaadhayso 2024.238 -tone, ( Laba kun iyo afar iyo labaatan, dhibic laba-boqol iyo sideed iyo sodon) oo kaluun ah, taasi laguma tilmaami karo wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, laakiinse, waxa lagu tilmaami karaa wax-qabad, marka ay soo saaraan xirfadlayaal aqoon u leh kaluumaysiga iyo cilmiga baddaha, ka dibna, ay ka caawiyaan qalabka lag kaluumaysto, ama ay soo dabtaan waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, kaluun tiradiisu gaadhayso 2024.238 -tone, isla markaana, ay ka iibiyeen suuqyada ganacsiga kaluunka, si ay uga hellaan dhaqaale wanaagsan oo kordhiya dakhliga miisaaniyada markabkaas.
Waxa sidoo kale, dhanbaal sidaha wargeyskaasi ku xardhanaa, wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, ay talaaleen qiyaas dhan 3.000,000. milyan oo riyo ah, war-bixintaas laguma darin, xoolihii kale ee markabkaas lagu dhaqi jiray, waxa kale, oo aan war-bixintaas lagu xusin, riyahaa la talaalay in ay yihiin xoolihii markabku dhoofin jiray iyo in ay ahaayeen riyihii ay dhaqan jireen dadkii markabkaasi saarnaa ?
Halka waaxda horumarinta dalxiiska, dhirta, dayactirka qandaraastada, guryaha iyo jidadka markabka, lagu shaaciyey wax-qabadkoodii sannadkan, in ay diwaan galiyeen 160-goobood oo ah, goobaha dalxiiska iyo 36-hudheel (Semi Clasic Hotels) oo ay ku soo deggaan dalxiisayaasha soo booqda markabkaas, iyadoo laga warqabo in aanay jirin wakhtigaas 36-kaa hudheel (Semi Clasic Hotels) oo u gaar ahaa markabkaas, balse, hudheeladaasi ay lahaayeen dad rayid ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd dhaqaalaha ay ka hellaan dalxiisayaasha soo booqan jiray markabkaas.
Waxa kale oo ay ku guul dareysteen mashruuc waxsoo saar oo loogu tallo-galay in lagu beero sarac dhul cabirkiisu gaadhayey in ka badan 9,200- boqol oo Qoodi (sagaal kun iyo laba boqol) sannadkaas, inkastoo warbixintaas aan lagu shaacin kharashkii ku baxay mashruucaas, balse, masuulkii waaxdaas horjoogaha u ahaa, waxa uu ku tilmaamay guul-daradiisaas, waxaanu yidhi”, waxaanu rajeynaynay in ay ka soo go’aan midho ka badan 29,000.-kun oo kiish, laakiinse, nasiib daro, waxa ka soo go’ay 700-oo kiish, guuldaradiisaas, waxa uu ku sababeeyey, “isagoo si xun u taagnaa, cayayaankii ku dhashay beertaas oo sin saarada yaqaanay iyo meeshii aanu siidhka ku beernay oo sibiibix ahayd,” isagoo hadalkiisii sii wata, haddana waxa uu yidhi”, mashruucii aanu ugu tallo-galnay in aanu ku beerno goobo ka mid ahayd dhul beereed gaadhayey 28,000-kun oo qoodi (Sideed kun oo qoodi), waxa sabab u ahayd dib u dhacaas, Anniga iyo saadaashii cimilada roobka ayaa heshiin waayey.
Hadalkaas oo ay ku tilmaameen in uu ahaa hadalkii ugu liitay ee ay ka maqlaan masuul ka mid ah waaxyaha markabkaas, waxa kale oo ay ku tilmaameen in uu hadalkaasi uu ahaa, mid feydaayey heerka uu gaadhsiisan yahay garashadiisa aqooneed iyo naakhuudihii u wakiishay masuuliyada waaxdaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in wakhtigaas la filaayey waxsoosaarka beerahaas midhaha ka soo go’idoonaa ay dabooli doonaan baahida cunto yaraaneed ee soo food saaraysa qaybo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabkaas.….. La soco………….
Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso