Dhamaan Maamulka Iyo Wariyayaasha Warbaahinta Togaherer Waxaanu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Muj. Kornayl Cali Axmed Caalin (Cali Carab) Oo goor dhawayd ku geeriyooday Hargaysa

Dhamaan Maamulka Iyo Wariyayaasha Warbaahinta Togaherer Waxaanu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Muj. Kornayl Cali Axmed Caalin (Cali Carab)  Oo goor dhawayd ku geeriyooday Hargaysa

 


Dhamaan Waxaanu ka tacsiyeynayaa Eheladiisii, Aqaariibtii Iyo Caruurtuu ka tagay Marxuum Mujaahid Kornayl Cali Axmed Caalin ( Cali Carab). Waxaan si gaara uga tacsiyadaynayaa Xaaskiisii Caruurtiisa iyo Dhamaan reer Axmed Caalin Asxaabtii Ehelkii iyo Qaranka Somaliland. Waxaanu leenyahay Samir iyo Iimaan Alleh ha idinaga Wada Siiyo Marxuumka Sidoo kale Waxaan Allaheena wayn Uga Baryeynaa in uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo Marxuunka Dambigisana alleh uu dhaafo.

Marxuun Kornayl Cali Axmed Caalin Waxaa uu Soo Noqday Madaxdii iyo saraakiishii sarsare Ciidankii Dalkii la isku odhan jiray Somali Rep gaar ahaan Ciidamada Cirka ee sida takhasuska gaarka ah qaba waxaa lagu Xasuusan Doono Qunyarsocodnimadiisi , Waxtarkiisii,  iyo Samihii Lagu yaqaanay.

Marxuun Kornayl Cali Axmed Caalin Waxa uu ka mid ah ahaa Ciidamadii Cirka Dalweynihii la isku odhan jiray Somaliya waxa uu waxbarashadiisii sare ee ciidan ku soo qaatay Caasimada Baqdaad ee Dalka Ciraaq.

Kadib markii la arkay isaga iyo Koox kale ayaa loo xushay in ay takhasus gaar ah oo isla tacliinta sare ah ku soo qaataan dalka Ruushka.

Waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii Ahaana saraakiishii hogaaminaysay Ciidama SNM halkaas oo ay ka hawl gali jireen Jiida ku beegan Difaaca Magaalada Hargaysa.

Marxuun Kornayl Cali Axmed Caalin Waxaa uu ka mid ahaa inta faro ku tiriska ah ee qayb laxaad leh ka qaadatay sidii dib loogu heli lahaa ciidamada Dalka Somaliland . Waxa uu ka mid ahaa Askarta jiifta ee aan ka soo dhex muuqan madalaha la isugu faano iyo Warbaahinta toona . Waxaa uu ahaa nin Cibaado badan edeb, is dhul dhig , qadarin alleh ku manaystay.

Taariikhdiisa oo dhamays tiran dhawaan ayaan idiinsoo baahin doonaa.

Ilaahay waxaan uga baryeynaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo Dambigiisana Alleh uu dhaafo, qabrigana alleh uu u waasiciyo. Sido kale waxaa eheladii, Qaraabadii , Somaliland iyo Somali oo dhan aan Ilaahay uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo. Qoyskii uu ka geeriyoodayna cawil Khayr Qaba alleh ugu badalo.

Amiin Amiin Amiin Amiin
“INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN”

“KULLU NAFSUL DAAIQATUL MAWT

Warqabadka Togaherer

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso