UMAYNAAN BAAHNEYN MADAXWEYNE ARDAAYO IYO OOD-OOD INOO KALA SHIRIYA AMA INOOGU MAHADNAQA EE WAXA AYNU U BAAHNEYN MADAXWEYNE INA MIDEEYA !!

UMAYNAAN BAAHNEYN MADAXWEYNE ARDAAYO IYO OOD-OOD INOO KALA SHIRIYA AMA INOOGU MAHADNAQA EE WAXA AYNU U BAAHNEYN MADAXWEYNE INA MIDEEYA !!!

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi ayaa waxa uu casuumay oday dhaqameed beel ka mid ah beelaha reer Somaliland isaga oo ujaadada ku sababeeyay in ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen safarkiisii uu gobolada bariga Somaliland ku tagey.

Haddaba waxa isweydiin leh Madaxweynaha Somaliland miyaanu isku arag in uu Madaxweynaha qaranka isagu yahay oo in la soo dhaweeyo oo dadkiisu maamuusaan uu mudan yahay? 

Madaxweynaha waxa soo dhaweeyay dadkii reer Somaliland ee gobolada bariga oo aan u kala hadhin in uu si guud ugu  wada mahadnaqo miyaanay ka haboonayn in uu beel u mahad naqo ka mid ah uun beelaha dalka dagan.

Mise waxa uu ugu talogalay beelaha gobolada Somaliland ee bariga dagan oo dhan in uu marba beel odayadeeda iyo cuqaasheeda martiqaado oo madaxtooyada ku casuumo, bal aynu eegno waa yaabe !!!

Waxa ii muuqata in Madaxwayne Biixi uu dareen ka qabay in lagu soo dhaweyn doono deegaanada beeshan milgaha iyo maamuuskaba qaranka ku lehi dagan tahay oo aanu fileyn , taasina waxa ay ayaan daro ku tahay isaga iyo beeshaasi oo uu meel kaga dhacay, oo aan lagu aqoon dareenka uu ka qabay.

Madaxtooyada umadaa leh oo ceeb uma arko in dadka reer Somaliland lagu martiqaado , laakiin in ood-ood iyo ardaa-ardaa loo galaa waxa ay wiiqaysaa uun dawladnimada iyo qaranimada sida aan shaqsiyan u arko anigu.

Madaxweynahani Somaliland ee maanta taliya taagtiisu way soo muuqatay durba , waliba isaga oo aan la mucaaridin mudadaa uu kursiga joogay oo fursad la siiyey, laakiin waxa ka sii daran talo xumo ayuu u jabayaa, halka xukuumadiisana tayo yari lagu dhaliilayey.

Aragtideyda 

Muhamed Dhimbiil

Advertisement

Ku Xayeysiiso