Bulshada Rwanda oo amaro cusub lagu soo rogay

 Saraakiiisha caafimaadka dalka Ruwanda ayaa joojiyay dhamman daawooyinka iyo Kareemka loo adeegsado caddeynta jiidhka bini’aadanka.

Kareemka lagu caddeeyo jidhka ayaa dhammaan laga faarujiyay Goobaaha ganacsiga ee dalkaasi ,iyadoo dowladda Ruwanda ay xoojineyso mamnuucid nuucyada daawooyinkaasi.

Waxaa jira cabsi ku saabsan in mamnuuciddaasi ay dhiirigeliso in haweenka dalkaasi Ruwanda ay iibsadaan daawooyin iyo Kareem aan nidaamsaneyn oo macmal ah,kaas oo dhalin kara halis ku timaada caafimaadka.

Iibka daawooyinka iyo Kareemka la isku caddeeyo waxaa Qaaaradda Afrika kaga baxda lacago Balaayiin ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso