Shil Dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Thailand

Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhimatay halka 50 kalana ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay dalka Thailand, kadib markii baabuur Bas ah oo waday dalxiisayaal socodaal gudaha ah ku jiray uu ku dhacay gaadhi kale oo Bas ah.

Wargeys ka soo baxa caasimaadda dalka Thailand ayaa qoray in Booliska dalkaasi ay sheegeen in Baabuurka shilka galay uu ku ka tagay magaalada Banom Bari kuna wajahnaa caasimadda dalkaasi Thailand ee Bangkok.

Boolisku waxa ay intaa raaciyeen in wadaha Baska kale uu wax badan isku dayay inuu xakameeyo Baaburkiisa laakin ay u suurta geli weyday sidaasna ugu dhacay Baabuurka kale ee dalxiisayaasha waday.

Dalka Thailand ayaa shilal dhiig badan ku daatay ay ka dhaceen sanadihii ugu dambeeyaay arrintaasi oo loo aanaynayo taxadir la’aanta wadayaasha iyo isgaadhsiinta jidadka oo aad u xun.

Advertisement

Ku Xayeysiiso