Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha  Qaybtii 13-aad

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha  Qaybtii 13-aad

 

 

 

 

 

Guud ahaan tirada shaqaalaha Markabkaasi waxa lagu qiyaasaa in ka badan 14,000-kun oo shaqaale ah, kuwaasoo, aan haysan daryeel wanaagsan, wax-barasho, dhiiri-galin, caddaalad iyo mushahar aan ku filneyn nolol maalmeedkooda, waxa kale oo aad arkeysaa shaqaale isku mid ah oo  darajadooduna ay ahayd  “A” , oo haddana,  midna  Bishii mushaharka uu qaataa ay ahayd,  5,000,000./ milyan oo shillin (Shan millyan oo shillinkooda ah), oo u dhiganta $ 500 oo dollarka Mareykanka ah, halka ka kalena uu ka qaadanaayey musharka,  9,80,000/ Sh ( Sagaal boqol iyo Sideetan kun oo shillin), oo u  dhiganta  $ 98 oo dollarka Mareykanka ah.

 

Haddana, waxay u guddanayeen waajibaadkooda shaqo si hufan oo o ay ku dheehnayd, daacadnimo, xilkasnimo  iyo waayo arragnimo qoto-dheer oo ay ka dhaxleen muddadii dheerayd ee ay ku hawlanaayeen hiigsiga himiladdii uu markabkaasi hiigsanaayey.

 

Waxa kale oo ay lahaayeen luuqad u gaar ahayd, isku af-garan jireen marka ay ku timaado xaalad ka duwan xaaladdihii hore ee jiray, si aanay u fahmin haddii ay ka wax-khaldamaan ama ay jirto dhibaato soo wajahda dadka markabka saarai, waxaana ka mid ahaa af-garashadaas, erayada, “Alpha” oo macnaheedu uu ahaa, gurmadka daaweynta degdega ah, “Bravo”’na uu ka ahaa gurmadka dabdamiska dabka,  marka ay codsanayaan soo gudbinta war-biximaha dhacdooyinka maalinlaha ahna ay u isticmaalayeen “Kilo” halka,  marka ay dalbanayaan qalabka dayactirka nadaafadda uu ahaa A “30-30”, taasoo, aan ku ogaaday mar aan ku wargaliyey shaqaalaha markabkaas dhowr jeer oo ay ka dhaceen Matag goobo ka mid ah goobaha bar kulanka u ahaa “PVI” (Public vomiting incident) dadkii saarnaa markabkaas.

 

Naakhuudaha markabkaasi mar uu laeshay kulan wada-xaajood ah shaqaalaha caafimaadka ka hawl-galayey goob lagu daryeelo caafimaad bukaan jiifka, halkaas oo uu ka jeediyey hadal kooban oo taabanaayey dhinaca hab-dhaqanka iyo anshaxa shaqaalaha caafimaadka looga baahan yahay in ay kula dhaqmaan la daryeelayaasha u baahan adeeg caafimaad, isla markaana, marka la daaweynaayo dhamaan dadka bukaanka ah ee soo booqda goobahaas loo sameeyo cadaalad, sinaan iyo daacadnimo,

 

Waxaanu intaas ku daray mabaadiida khuseysa kalsoonidu in ay tahay, in la tixgaliyo qofka marka la go’aaminayo habka loola tacaalayo daaweyntiisa iyo in uu hello dawooyinkiisa qofka bukaanka ahi,  waana in la ixtiraamaa rabitaankiisa xitaa marka aanad raali ka ahayn iyaga laftigooda, waa inaad u muujisaan daacadnimo, oo aad illaalisaan ballanqaadkooda ku saleysan dareenka la daryeelayaasha, waana inaad daryeeshaan idinkoo u naxariisanaaya, oo qaadaaya  talaabo wanaagsan oo aad ugu gargaaraysaan dadkaas, idinkoo raacaya rabitaanka dhinaca waxqabadka wanaagsan, gabagabadiina, waxa uu yidhi, haddii ay jirto war-biximaha hadda la tuhunsan yahay in ay yihiin in aydaad si fiican ugu shaqeynin dadka bukaanka ah, haddii ay jirto arintaas waa xadgudub.

 

Mar la weydiiyey shaqaalahaasi siday u arkaan kulankii uu la yeeshay naakhuudahoodaasi, waxay ku tiraabeen, waxa aanu ka rajeynaynay fikrado waxtar leh oo ku dhisan aragti abuuraysa dhiiri-galinta mustaqbalka himiladda la hiigsanaayo, isla markaana, shaqaaluhuna ay kula shaqeyn doonaan  himiladdaas uu hiigsanaayo markabkaas.

Dhinaca kale,  Badmaaxayaasha  inta badan ka faalooda saadaasha cimiladda badda ayaa ku sababeeyey aragtida naakhuudaha Markabku, sida ay lagama maarmaanka u tahay mid diiradda saaraysa ahmiyada ugu muhiimsan ee dhinaca baahida nolosha,  aragtida waxtarka leh waa aragtida la xidhiidha wax-ka qabashada mustaqbalka iyo wax-ka qabashada xaqiiqada waxa taagan maalinkaas, taasoo wakhtigaas suuqyada ganacsiga markabkaasi ay buux dhaafiyeen  raashin dhacay iyo daawooyin isticmaalkoodu mabnuuc ka yahay aduunka……………….La soco……………

 

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso