Madaxweyne Trump oo go’aan adag ka qaadanaya muranka miisaaniyadda dalkiisa

Madaxweynaah Dalka mareykanak Donald jey Trump ayaa ku goodiyay in uu qaadayo talaabo ku aadan dhismaha derbiga Xuduuda Mexico,iyadoo aan wax ansixin ah laga helin Congresska Mareykanak,isagoo ku dhawaaqa xaalad deg deg ah.

Hadalka madaxweynaha ayaa ka dambeysay kadib markii uu la kulmay diplomaasiyiin sar sare,kuwaasi oo diiday soo jeedinta dalabka madaxweynaha oo ahaa in la taageero qorshaha dhismaha derbigaasi.

Wuxuu sheegay in uu ka baarandagay caqabadaha ka dhalankara miisaaniyada la’aanta,balse waxaa jira ilaa 800,000 oo shaqaalaha dowladda ah oo aan mushaharaad qaadan tan iyo 22 December,ee sanadkii tagay,

Madaxda Aqalka Congreeska iyo Aqalka Cad ee looga arrimiyo dowladda Mareykanaka ayaa lagu wadaa in ay kulan ka sheeshaan isku dayga la doonayo in xal loogu helo caqabadaha ku hor gudban howlaha dowladda,si loo ansixiyo miisaaniyadda dowladda.

Madaxweyen Trump ayaa ku adkeysanaya arrinta dhismaha derbiga Xuduuda,lamina saadaalin karo halka ay arrimahani u biyo shuban doonaan,balse waxaa sii kordhaya walaaca laga muujinayo gaabiska ku yimid howlihii adeegyada hay’adaha dowladda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso