Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii 14-aad

Dhinaca kale, Badmaaxayaasha inta badan ka faalooda saadaasha cimiladda badda ayaa ku sababeeyey aragtida naakhuudaha Markabku, sida ay lagama maarmaanka u tahay mid diiradda saaraysay ahmiyada ugu muhiimsan ee dhinaca baahida nolosha, aragtida waxtarka leh waa aragtida la xidhiidha wax-ka qabashada mustaqbalka iyo wax-ka qabashada xaqiiqada waxa taagan maalinkaas, taasoo wakhtigaas suuqyada ganacsiga markabkaasi ay buux dhaafiyeen raashin dhacay iyo daawooyin isticmaalkoodu mabnuuc ka yahay aduunka.

Muddo yar ka dib, waxay isweydiinayeen su’aal aad u la yaab badneyd dadkii saarnaa markabkaas, su’aashaas oo jawaabteedu ahayd mid aad u kakaneyd, waxaanay ahayd su’aashaasi, “ Are we on board the ship plying nicely in the high seas or winded navigation?, su’aashaas oo macnaheedu uu ahaa, Markabkan aynu saaranahay ma’dabeylahaa wadhfinaaya, mise, si fiicanbuu bad-weynta dusheeda u dhex-mushaaxayaa?.
Waxay dad badani su’aashaas kaga jawaabeen, “Markabku in aanu socon, balse, ay dabeyluhu wadhfinayaan,” halka, dadka qaarna ay ka aamin sanaayeen aragti taasi ka duwaneyd, taasoo ahayd “ In markabku si fiican badda dushiisa uu dul-mushaaxayo”
Muddadaasi ka dib, waxa markabku uu soo saaray dhanbaal side xanbaarsanaa war-bixin ku saabsaneyd wax-qabadkii sannadkaasi u qabsoomay naakhuudaha markabkii aanu saarneyn, dhanbaal sidaha wargeyskaas oo ka koobnaa 45-xaashiyood oo ay ku xardhanaayeen sawiro tiradoodu gaadhaysay 94- sawir iyo qoraallo war-bixineed, oo ku saabsanaa wax-qabadka waaxyaha markabaasi, kuwaasoo ka koobnaa, waaxda amniga iyo hawl-galka markabka, waaxda badbaadada dadka, dabaasha iyo tababarka shaqaalaha markabka, waaxda warfaafinta, wacyi-galinta iyo madadaalada dadka, waaxda horumarinta caafimaadka dadka iyo nadaafada guud ee markabka, waaxda isgaadhsiinta iyo horumarinta dekadaha badda, waaxda tartanka ciyaaraha, jimicsiga iyo orodada fudud, waaxda cadaaladda, garsoorka iyo xabsiyada markabka, waaxda saadaasha cimilada badda, hawada iyo sahaminta jidadka badda, waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, waaxda horumarinta tamarta iyo biyaha markabka, waaxda maaliyadda iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha markabka, waaxda horumarinta dalxiiska, dhirta, dayactirka qandaraastada, guryaha iyo jidadka markabka, waaxda qorsheynta iyo horumarinta markabka.
Inkastoo, muuqaalka dhanbaal sidaha wargeyskaasi uu aad u qurux badnaa, haddanna, xeel-dheerayaasha iyo qorayaasha inta badan ka faalooda, dhinaca, hoggaaminta, ayaa ku tilmaamay war-bixintaas in ay ahayd, mid lagu dacaayadeynaayey heerka wax-qabadka Naakhuudaha Markabkaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in habayaraatee aanay jirin wax-qorshe ah oo u dajisnaa shanta sannadood ee soo socota waaxyaha markabkaas, haddii uu jiri lahaa qorshahaasi shanta sannadood laha ahi, waxa laga soo dheegan lahaa qorshihii loo qoondeeyey ee u qabsoomay ee la dhameystiray wax-qabadka qorshaha loogu tallo-galay sannadkaas, wax-qabadka socda ee aan wali la dhameystirin iyo wax-qabadka dib u dhacu ku yimid, iyadoo la sababeynayo sababaha keenay dib u dhacaas, waana habka kaliyaata ee ay naakuudayaashu kaga qiyaas qaataan, marka la qiimeynaayo wax-qabadka sannadlaha ah ee waaxyaha markabkiibta.
Haddii aanay jirin qorshe shan-sannadoodle ahi waaxyaha markabkaas, ma jirto qaab kale oo uu kula xisaabtami karo waaxyahaas ama uu ku ogaan karo wax-qabadka ay qabteen waaxyaha uu ka kooban yahay markabkaas, sababtoo ah, qaabkani waa aassaasska dajinta maareynta shaqooyinka, waxa kale, oo lagu qeexaa geedi socodka qorshayaasha waaxyahaas in ay gaadheen haadafka u jeedooyinkii la hiigsanayey, kuwaasoo loo dajiyo qaabab xeeladaysan oo lagu gaadhi karo qoryaashaas, iyadoo, loo maraayo nidaam loo raaco ama loo curiyo habab loo baahan yahay in loo fuliyo hawlaha wax-qabadka qorshayaashaas, una socon lahaayeen jihaddii saxda ahayd ee loogu tallo-galay, lana kormeero dhammaan fullinta wax-qabadka hawlahaas in loo fulliyey sidii ugu haboonayd ee loogu tallo-galay, lana illaaliyo horumarka maamulada dawladaha hoose, iyadoo loo maraayo xeerarka iyo sharciyada ay u isticmaalaan isku bedelka dhulka iyo dhismayaasha.
Marka aynu ka nimaadno nidaamyada lagu ogaado in la gaadhay hiigsiga jihadii loo socday ee bartilmaameedka u ahayd Naakhuudayaasha, haddana, waxa aad u layaab badnaa qoraal ku qornaa dhanbaal sidahaas, waaxda horumarinta caafimaadka dadka iyo nadaafada guud ee markabka, ay u fidiyeen sannadkii hore, adeegyo caafimaad oo lagu qiyaasay 349,088 qof, halka sannadkana la gaadhsiiyey adeegyo caafimaad qiyaas dhan 456,019- qof, waxaana ku kordhay 106,931- qof celcelis ahaana u dhiganta 31%, taasoo ay ku tilmaameen in korodhkaasi uu muujinaayo, wax-qabadka horumarka adeegyada caafimaad ee la gaadhsiiyey dadka bukaanka ah ee saarnaa markabkaas.
Haddaba, waxa isweydiin muddan, haddii ay bataan tirada dadka xanuunsanaya ee soo booqanaya goobaha adeegyada caafimaadka ee markabkaas, ama ay yaraadaan tirada dadka xannuunsanaysa ee soo booqda goobaha adeegyada caafimaadka ee markabkaasi, keebaa lagu tilmaami karaa in ay tahay wax-qabad?
Jawaabta su’aashaasi, waxa lagu qiimeeyaa in ay tahay wax-qabad, marka la yareeyo dadka xannuunsanaya ee soo booqanaaya goobaha adeegyada caafimaadka, waxaana halkaasi kaaga muuqanaysa in la qabtay hawlo badan oo dhinaca, wacyi galinta caafimaadka bulshada, kor u qaadida wax-barasahda caafimaadka bulshada, ka hortagida iyo xakameynta cudurada faafa, illaalinta iyo dhowrida qaabka ay u faafaan cuduradu ee dhinaca, nadaafadda deegaanka, fayo-dhowrka raashinka, biyaha iyo wasakhowga hawada.
Waxa kale oo uu xanbaarsanaa dhanbaal sidahaasi, waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, in ay soo dabteen kaluumaysatadu sannadkan kaluun gaadhaya qiyaas dhan 2024.238 –tone, waxa iyana isweydiin muddan, haddii dadka ganacsatada ah ee saarnaa markabkaas ay ka soo iibsadaan doonyaha ka kaluumaysta baddaha, kaluun tiradiisu ay gaadhayso 2024.238 -tone oo kaluun ah, taasi laguma tilmaami karo wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, laakiinse, waxa lagu tilmaami karaa wax-qabad, marka ay soo saaraan xirfadlayaal aqoon u leh kaluumaysiga iyo cilmiga baddaha, ka dibna, ay ka caawiyaan qalabka lag kaluumaysto, ama ay soo dabtaan waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, kaluun tiradiisu gaadhayso 2024.238 -tone, isla markaana, ay ka iibiyeen suuqyada ganacsiga kaluunka, si ay uga hellaan dhaqaale wanaagsan oo kordhiya dakhliga miisaaniyada markabkaas.
Waxa sidoo kale, dhanbaal sidaha wargeyskaasi ku xardhanaa, wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, ay talaaleen qiyaas dhan 3.000,000. milyan oo riyo ah, war-bixintaas laguma darin, xoolihii kale ee markabkaas lagu dhaqi jiray, waxa kale, oo aan war-bixintaas lagu xusin, riyahaa la talaalay in ay yihiin xoolihii markabku dhoofin jiray iyo in ay ahaayeen riyihii ay dhaqan jireen dadkii markabkaasi saarnaa ? ……….La soco……………

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso