Dr. Cali Ciise oo Calanka Puntland Caynaankiisa hanan doono

 

Maalmihii u danbeeyey waxaa magaalada Garoowe hadal hayntiisu qabsatay Dr Cali Ciise Cabdi oo mar qura maalmo ka hor doorashada Puntland ka soo dagay Garoowe, isla markiiba waxaa is badalay sadaashii dhanka ay u socoto dabaysha doorasdhada Puntland, waxaan baraha Bulshada iyo fadhi ku dirirka lagu falanqeeyo siyaasada is qabsaday guux ku aadan waxa ay dhali doonto doorashada Puntland.

 

Dadka jecel in Puntland noqoto meel u dhaxaysa inta wada dhisatay ayaa aad usoo dhaweeyeen tartanka uu ku soo biiray Dr. Cali, waxayna u arkeen in ay ka dhalan karto isbadal siyaasadeed oo ka hanaqaada Puntland, taas oo meesha ka saaraysa naanaystii 20-ka sano dul hoganaysay Jifooyinkii isu bad-badalay madaxtinimada Puntland. Waxaa kale oo ay magac fiican u noqonaysaa reer puntland inay muujiyeen bisayl siyaasadeed iyo in kursigu yahay meerto.

 

Durba waxaa musharixiin badan ka fakarayaan inay u tartamaan Madaxweyne ku xigeen, si ay ula jaanqaadan isbadalka soo siyaaday. Waxaa sidoo kale magaalada ka bilowday shirar aan loo kala kicin oo ka socda hoteelada iyo guryaha ay dagan yihiin musharixiintu. Salaadiinta qaarkood ayaa ku baraarugay imaantinka Cali Ciise, waxayna leexiyeen siyaasadoodii ku aadanayd musharixin ay horay ugu balan qaadeen in ay xildhibaano u soo saaraan.

 

Liiskii Xildhibaanada soo baxay waxaa uu musharixiin badan ku riday dhul gariir, waxayna go’aansadeen in ay ka xir-xirtaan boorsooyinkooda magaalada Garoowe. Xildhibanada oo ka kooban 66 ayaa mushrax walba durba ogaaday tirada u soo baxday, mana jirto musharax bilaash ku bixinaya dhaqaalihiisa marba hadii uu ogaaday tirada uu ka heli karo 66-da xidlhibaan.

 

Rajada aan ka qabo inuu guulaysto Dr. Cali Ciise ayaa ah sida tan:

 

·      Waa khabiir dhaqaalayahana, xushmada iyo qadarin weyne ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed dhamaanteed

·      Waa nin sumcad fiican ku leh wadamada caalamka gaar ahaan wadamada dariska oo ay ku xiran tahay siyaasada gobolku.

·      Guux la isla dhex marayo oo ah in la muujiyo in Puntland la wada leeyahay oo siinaysa fursad uu ku soo baxo.

·      Xidlhibaanda beeshiisa oo leh cododka lagu kala adkaado Puntland

·      Waqtiga kooban oo uu socodo Ololihiisa oo fursad u siinaysa inuu abaaro Xildhibaanda Cuusb. Halka musharixiinta kale ku daaleen socdaalo ay ku kala bixinayeen gobolada dalka.

·      Soo celinta xariirkii la lahaa dowladda dhexe. In lala shaqeeyo dowladda dhexe waxaa ku jirta danta iyo horumarka Puntland.

 

Dhamaan fursadahaas waxay muujinayaan in Dr. Cali Ciise Cabdi uu yahay mushraxa kaliya ee maanta sii wadi kara Puntland oo wada jirta, ka saari karta reer tolkeen hadal haynta ah Puntland reer ayaa iska leh. Soo calin kara midnimada reer sool iyo sanaag. Wada shaqayn fiican la yeelan kara dowladda dhexe, isagoo raadinaya xuquuqaha uga maqan Puntland,

 

Waxaan u rajaynaa Dr Cali Ciise guul iyo gobanimo

 

Abdi Jamac Waasuge

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso