Waa Kuma Maareeyaha Cusub ee Madbacadda Qaranku. Qalinkii Abdirashid Mohamed Jama “Belel”

Waa Kuma Maareeyaha Cusub ee Madbacadda Qaranku. Qalinkii Abdirashid Mohamed Jama “Belel”

Maxamuud raage ibraahim waxa maalintii u danbaysayv sanadkii tegay oo ku beegnayd Isniin loo magacaabay maareeyaha guud ee Madbacadda Qaranka Somaliland. Haddaba waa kuma Maxamuud Raage Ibraahim.
Wuxuu ku dhashay oo malcaamada ka galay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, afar bilood ka dib wuxuu noloshiisii waxbarasho ka bilaabay gobolka shabeelada dhexe magaalo madaxdiisa Jawhar ilaa uu ka dhameeyey dugsiga sare. Maxamuud Raage Ibraahim wuxuu sideetameeyadii ka mid noqday kooxdii kubbada gacanta (Basketball) ee u ciyaari jirtey Madbacaddii Qaranka Soomaaliya, wuxu noqday ciyaaryahan caan ah oo leh shacbiyad badan. Mudane Raage wuxuu waxbarashadiisii sare ka sii watii halkii isaga oo ku biiray machadkii la odhan jirey SIDAM oo uu ka bartay maamulka iyo maaraynta.
Sanadkii 1990 kii waxa uu u tagay dalka Denmark, isaga oo ku noolaa mudo 12 sanadood ah, muddadii uu joogay Denmar waxa uu ka baxay jaamacada isaga oo noqday turjumaan isku turjuma sadexda luuqadood ee kala ah Soomaaliga, dhaanishka iyo lngiriisida.
Sanadkii 2002 ayuu ka soo guuray dalka Denmark isaga oo degay magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska, halkaas oo uu aqoon kale oo jaamacadeed ku diyaariyey. Kana shaqeeyey. Intaa wixii ka danbeeyey Maxamuud waxa uu ku biiray caalamka siyaasada isaga oo ka mid noqday aasaasayaashii xisbiga kulmiye, ilaa laga soo gaadhayey doorashadii guusha kulmiye ee sanadkii 2010kii waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu firfircoonaa ee tacabka geliyey sidii xisbigu u iman lahaa madaxtooyada.
Dawladdii madaxweyne Siiraanyo waxa uu ka soo qabtay laba xil oo kala ahaa agaasimayaasha guud ee wasaaradda arrimaha dibada iyo wasaaradda caddaalada. Maxamuud waxa uu iskii uga tagay shaqadii agaasimaha guud ee wasaaradda caddaalada.
Jilayaasha siyaasada ayuu ka sii mid ahaa isaga oo ku biiray axsaabta mucaaradka ah xoghayaha siyaasadda ee xisbiga Waddani ayuu noqday isaga oo mudo ka dib dib ugu soo noqday xisbigiisii kulmiye halkaas oo uu kala kulmay soo dhawayn balaadhan oo uu horkacayey gudoomiyihii xisbigu oo ah madaxweynaha maanta mudane Muuse Biixi Cabdi.
Mudane Raage intaa ka dib waxa noqday dadkii dadaalka dheer u galay sidii kulmiye mar labaad talada dalka ugu soo noqon lahaa, dhawaan ayaa masuulkan loo magacaabay maareeyaha guud ee Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hay’addaha madaxabanaan ee dawladda.
Gobanimo dadkaa mudan
Galadana Alleyska leh

Xigasho: Barmaamujka Milicsiga Siyaasada ee ka baxa telefishanka Universal

governance002@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso