Muuse Dalka, Dadka, Dawladiisa, Diinta, Dariska iyo Dunidaba midna lama socdo!.

Waxa maalinba maalinta ka danbaysa isasoo taraaya rajo xumada iyo quusta ay ka taagan yihiin shacabku maamulka iyo masuul Nimada madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxayna aad u saluugsan yihiin kartidiisa iyo xirfadiisa hogaamiye-nimo iyo qaab maamulka dawladeed ee xukuumadiisa Waxa ayna inbadan oo u codaysay iyo intii ka codaysayba isku raaceen oo ay qireen in laqaldamay oo muuse aanu ahayn shaqsi ku quman hogaaminta qaran iyo dowladan curdinka ah ee Somaliland, waxayna intii u codaysay dhexda ka qaniinsan yihiin FARTII ay khadka u Dareen, maxaayeelay Muuse maaha Madaxweyne;

DALKA LASOCDO inkastoo uu yahay qolqol-joog aan qurbaha jirin hadana ma oga baahiyaha dalka kajira iyo goobaha wax qabadka ubaahan ayna haboon tahay in wax laga qabto Haday tahay mashruucyada horimarineed iyo haykalka dowladnimo in si siman degmooyinka iyo deegaamada gobolada dalka loo wada gaadhsiiyo se Waxa caddaatay in aanu Mudane Muuse Dalka lasoco oo aanu xitaa aqoon u lahay xuduudka dalku Intuu ku xayndaaban yahay.

DADKA LAMA SOCDO oo maaha ruux dhaadaaya duruufaha dadka haysta iyo xaalka dadku ku suganyey, mana aha ruux shacabka u jajaban una dhago-nugul kamana warqabo baahiyahooda oo uma dhuun-daloolo, manalaha dhex-gal mushtamac oo waa shaqsi 40kii sano ee ugu danbeeyey aan ardaagiisa iyo xayndaabka qoyskiisa dhaafin.

DAWLADIISA LAMA SOCDO oo maalin walba wasiiradiisu Sharciyo cusub oo aanu madaxweyne Muuse ogayn ayey jeebka kala soo baxaan oo ay dhaqan gashadaana ha ahaato cashuur Dheeraad ah ama xayiraad iyo Xanimaad kuwaas oo ku ah shacabka hagardaamo iyo tacadi sidoo kale Mudane Muuse Waxa ay wasiiradiiisu shacabka u sheegaan isna wax ku lid ah ayuu shacabka u sootabiyaa sida fariintii uu wasiirka diinta iyo awqaafta Mudane Sheekh KHaliil uu bulshada faray in aan loo dabaaldegin sanadka miilaadiga ah oo waalidka, waayeelka iyo Ciidamada amnigana wergeliyey in ay ka xakeemeeyaan dhalinyarada u dabaal dega sanadka Isaga oo ka hadlay Bulsho TV isla maalintaana xafiiska madaxweynaha Waxa kasoo baxday dhanbaal tahniyadeed oo ku wajahan shacabka looguna sheegay qoraalka oo uu ku saxeexnaa af hayeenka Madaxweynaha JSL mudane Maxamuud Warsame Jaamac in tahniyad Madaxweynuhu usoo diray dalka iyo dunida maalinta bilawga sanadka miilaadiguna in uu yahay maalin fasax qaran dabaaldaga sanadka milaadiga ee curtay owgeed oo loo dabaal dego Sidii ciid.

DIINTA LAMA SOCDO oo waakii Mudane Muuse qasabka ku sharci geliyey xeerkii kufsiga ee diinta iyo dhaqankaba kasoo horjeeday wuxuuna ku daray in sanadka miilaadiga oo ah sanad ay masiixiyiintu xusaan in la bilaabay dhalashadii wiil uu Ilaahay dhalay Subxaanalaah waa siday aaminsanyihiin qolyahaasiye, se in Madaxweyne Muuse yidhaahdo waa fasax qaran waa wax kulida kelinimada Ilaahay ee diinteena suubani sheegtay, se Isaga seegan.

DARISKA LAMA SOCDO oo dawladihii jaarka ee Somaliland asxaabta dhaw ahaayeen wataa aad moodo inay kala irdhoobeen oo ay kala xidhiidh furteen, maxaayeelay waatan isbedelada mandaqada ka dhacaaya iyo gacan qaadka salaanta talantaalka ah ee lays weydaarsanaayo halkii jeeniga Muuse ka dhex muuqanlahaa waatan uu gabay ee gooni socodka ah ee maqaam hoosaadka keli rabash-leh.

DUNIDA LAMA SOCDO oo iskadaa wadamada qaaradaha durugsan e waatan damaashaadkii ururkii cusbaa ee ahaa isbahaysiga Bada CaS iyo Gacanka Cadmeed ama wadamada ku bahoobay biyo marka Gacanka iyo bada CaS ee Dhoolotuska ka dhigaayey qooriyada iyo xeebahaas, iyada oo dalka Somaliland dhaco biyo markaa hadana Qayb Muuse kumuuyeelan buddhigii iyo qabanqaabadii ururkaa kamana Qayb qaadan Dhoolo tus kii,  waxaad moodaa Intuu ku mashquulsanaa handaraabyada dalka giduhiisa uu ku xidh xidhaayo in dunidii ka xidhxidhantay dalkii.

Isku soo wada duub oo Waxa markhaati ma doon ah in Madaxweyne Muuse aanu Dalka lasocon, Dadka lasocon Dawladiisa lasocon, Diinta lasocon, Dariska lasocon oo Dunida lasocon.

Somaliland oo mida

Lagu meel maraa.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso