Muuse Biixi Iyo Talada Dalka KULMIYE WAA XIDIG KELIYA (Qaybtii 51aad) Maxamed Xoosh

Sanadkii Xukuumadan Jirtay Qaab Dhismeedka Loo Soo Magacaabay Xubnaheedu Waxay u Badan Yihiin Dhalinyaro Iyo Xirfadlayaal Aan Shaqo Ku Lahayn Siyaasad Marka Laga Reebo, Ina Koore, Ina Kaahin Iyo Seed….

“Libinta Oo Dhan Muuse Biixi Ayaa Leh” Keligii Ayaa Ka Dhex Muuqanaaya

Xisbiga Kulmiye Oo Ah Xusbiga Ugu Balaadhan Dalka Isna Aydaloojiyad Uu Ku Hawl Galo Ma Leh, Fikir Siyaasi Ah Waxa Ugu Danbaysay Markuu Muuse Biixi Ololaha Ku Jiray oo Diyaar Garow Badani Ka Muuqday, Imaka Waxa Kusoo Hadhay Niman Waaweyn Oo Ficiltamaaya !

“Waa Libin Kale Oo Xoojinaysa Xidignimada Muuse Biixi”

Marka La Barbar Dhigo Xisbiga Wadani Wuu Ka Badbaday Talo Ku Ururta Nin Keliya Waa Rag Is Garab Socda Oo Wada Tashi Ka Muuqdo

Arinkani Uma Muuqato Keli Talisnimo Wey Ka Fogtahay Nidaamka Iyo Dastuurka Ayaan Ogolayn

Ee Waa Awood Urursi Iyo LEGACY Ga Keli Ku Noqo Madaxweynaha Wey u Fiicantahay Shacabka Se Dantooda Kuma Jirto

Madaxweyne Cigaal AHN Wuxuu Ku Caan Ahaa In Talada Oo Dhami Isaga Ku Ururto Isaguna u Muuqdo Xidiga Keliya Waanu Ku Guulaystay

Hogaamiyaha Siyaasiga Ah Ama Madaxda Dawladaha Galbeedka ee Dawladnimadda Inoo Soo Waariday Markaynu Eegno Waxa U Dhaqan Ah In Ninka Xilka Qabtaa Isku Meero Niman Isaga Ka Aqoon Badan Ama Ku Xeeldheer Akhrinta Xaalada Iyo Jawiga Ku Xeeran ,Dhaqaale, Siyaasi, Amni….

Waa Halkay Guushu Ku Jirto Adiguna Sunne Aad Jeexday Bay Noqonaysaa

Madaxweyne Iyada Oo Awooda Iyo Mudo Xileedkaaguba Kooban Yihiin , Waxaan Kaa Codsnayaa Dhaxalsii Waayo Aragnimada Arday Iyo Cid Kulmiye Dabadaa Dhaqaajisa Waaqica Qabiilka Ina Baday Iyadoon Laga Tagayn Xaga Aydaloojiyadda Xisbiyada Usoo Dabaala

Maxamed Xoosh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso