Magaalo U Dabbaaldegtay Maalin Caajiska Iyo Wax-Qabad La’aanta La Xuso

Magaalo U Dabbaaldegtay Maalin Caajiska Iyo Wax-Qabad La’aanta La Xuso

-Sannad kasta waxaa dunida laga xusaa maalin caalami laga dhigay oo lagu calaamadiyey maalinta caajiska iyo wax-qabad la’aanta adduunka. Waa maalin la fasaxo inta badan ee shaqooyinka la xidhiidha warshadaha, ganacsiga iyo dhaqana, waxa aana lagu qabtaa magaalada Itagui oo dhacda koonfurta dalka Colombia.

Waa dabbaaldeg bulsho oo inta badan looma xuso qaab rasmi ah oo ay hay’ado madaxbannaan ama kuwo dawladeed ka soo qaybgalaan.

Dadka shaqaalaha ah ayaa maalintan oo kale nafta ku maaweeliya in ay nasasho iyo waxqabad la’aan u baahan tahay, waxa aanay isku mashquuliyaan qoob-ka-ciyaar, muusiko kala duwan,  dhaqameed, iyo ciyaaro dhaqameed.

Xuska maalinta caajiska adduunka waxaa la bilaabay sannadkii 1984 kii, waxa aanay ahayd farriin la doonayey in lagu muujiyo in dunida casriga ah ee hawlaha iyo tacabka badani ay u baahan tahay in ay hesho maalmo nasasho iyo in dadka maanta nooli ay bartaan in ay muhiim tahay in la helo saacado iyo maalmo hawl la’aaneed oo maadays iyo qosol lagu dhammaysto.

Waxa kale oo ay maalin adduunka laga joojiyo waxsoosaarka warshadaha iyo ganacsiga casriga ah si loo xuso sida ay noloshu ahaan jirtay kacaankii warshadaha hortii iyo markii aanay dadku baran noloshan casriga ah ee la helay cilmiga iyo farsamada lagu samaysan karo wax kasta oo loo baahdo.

Si kastaba ha ahaato ee xuska maalintani uma uu sii waarin sidii xiisaha lahayd ee uu ku bilowday xilligii loo aqoonsaday in uu noqdo maalin caalami ah. Inta badan ee warshadaha iyo loo shaqeeyeyaasha kale Ayaan ka garaabin in ay jirto maalin waxsoosaarka oo dhan la hakiyo oo shaqaaluhu ay gebi ahaanba iska nastaan. Markii ugu dambaysay ee maalintan si caalami ah loo xusayna waxa ay ahayd sannadkii 2012 ka.

Laakiin waxaa jira meelo weli maalintan si muuqata looga xuso, shirkadaha iyo hay’adaha dawliga ah ee ka jiraana ay ogolyihiin, waxaa ka mid ah dalka Maraykanka oo bisha Siddeedaad ee sannad kasta tobankeeda la xuso maalintan. Waa maalin dadku masuuliyadaha iyo waajibaadka shaqo oo dhan dhinac iska dhigaan oo aanay haba yaraato ee waxba qaban. Waxaa hal-ku-dheg u ah ereyga ‘Waxba ha qaban’ oo ay boodhadh iyo xitaa dharkooda ku qoraan. Kaddib waxa ay jiifsadaan jidadka hareerahooda iyo guryaha hortooda, iyaga oo u jiifa si muujinaysa in aanay wax hawl ah u diyaar ahayn.

Sawirka qormadan waa maryo iyo walxo kale oo qof loo ekeysiiyey, waxaana laga soo qaaday munaasabaddii ugu dambaysay ee maalintan lagu xusay magaalada Itagui ee dalka Colombia.

Advertisement

Ku Xayeysiiso