Gal-dacwaddeed Xisbiga KULMIYE ka Dhan Ah Oo Loo Gudbiyey Guddida Diwaan-gelinta Ururrada Iyo Ansixinta Asxaabta  

Gal-dacwaddeed Xisbiga KULMIYE ka Dhan Ah Oo Loo Gudbiyey Guddida Diwaan-gelinta Ururrada Iyo Ansixinta Asxaabta

 

Mid Ka Mid Ah Saddexdii Xubnood Ee Dhawaan Guddoomiye ku xigeenka KULMIYE Sheegay In La Anshaxmariyey   oo gudbiyey Dacwad ka dhan ah Xisbiga

Hargeysa (Togaherer) Cabdi Cali oo kamid ahaa Siyaasiyiin dhawaan laga saaray Xisbiga Kulmiye ayaa Dacwad ka dhan ah Xisbigaas u gudbiyey Guddida Diwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Asxaabta Qaranka. Agaasimihii hore ee Wasaarada Qorsheynta Qaranka oo xilkaas iska casilay , ka hor intaan xisbiga laga saarin, ayaa talaabada Xisbiga lagaga eryey ku tilmaamay sharci darro iyo xad-gudub loo geystay Shuruucda iyo Xeerarka Xisbiga iyo Dastuurka Dalka.

Waxa uu sheegay inay Dacwadiisu daarantahay inaan lagu xad-gudbin ujeeddooyinka iyo mabaadi’da loo aasaasay Asxaabta Qaranka, isagoo xusay in qaabka looga eryey Xisbigu ay ula muuqato nidaam gef ku ah qawaaniinta Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah madaxbanaanida ee Siyaasadda iyo ra’yiga.

Waxa uu intaa ku daray inay Guddida Diwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranku ka qabteen Dacwada uu u gudbiyey, taasina ay ka dhigan tahay inay aqbaleen dhegeysiga Dacwada uu gudbiyey.

 

“Saaka [shalay] oo ay taariikhdu ahayd 2/1/2019, abbaaro 10.00 kii subaxnimo ayaanu tegnay xafiiskii diiwaangalinta iyo ansixinta xisbiyada, halkaasoo nalaga qabtay dacwaddii aanu kaga ashkatoonaynay ka saaristii xisbiga Kulmiye.Waxaynu sugnaaba waa in ay bilaabaan gudagalista hawsha garnaqista si waafaqsan sharciga; Ilaahay xaqa ha ina waafajiyo dhamaanteen”. Sidaa ayuu yidhi  Prof. Cabdi Cali oo shalay qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Facebooka. Cabdi Cali  waxa uu si weyn u dhaliillay hab-dhaqanka ay Xisbiyadda Qaranku u maraan xil-qaadista iyo xubin ka qaadista Dadka, waxaanu daliilshaday qodobada Dastuurka ee jidaynaya aasaaska Xisbiyada iyo Xeer Lr. 14 oo ah Xeerka Ururrada iyo Asxaabta Qaranka.

Geesta kalena, Gayqaan Subeyr oo kamida Qareenada u dooddaya Siyaasigan ayaa sheegay inay rejjo wanaagsan ka qabaan inay dacwadani marto dariiq sharci oo sax ah.

 

Waxa uu sheegay in haddii Guddida Diwaan-gelintu go’aan ka gaadhi waydo dacwaddooda ama ay marin waayaan Hanaanka ay Xeerarku jideeyeen ay xaq u leeyihiin inay Rafcaan u qaataan Maxkamadda Dastuuriga ah, balse ay iminka kalsooni buuxda ku qabaan Guddidaas.

Advertisement

Ku Xayeysiiso