“Wasiirka Maaliyaddu  Dr. Sacad ha iscasilo  (Waayo) Khiyaamada aan ka hadlay in lagu qariyo Ayaa meesha loo geeyey”  – Ramaax

“Wasiirka Maaliyaddu  Dr. Sacad ha iscasilo  (Waayo) Khiyaamada aan ka hadlay in lagu qariyo Ayaa meesha loo geeyey”  – Ramaax

Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer, xilal Badhasaabnimo oo kalena ka soo qabtay gobolada dalka Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku fashilantay hogaaminta dalka.

Waxa uu ku eeddeeyey inay ku kacday Xukuumaddu arrimo khiyaamo Qaran, Maamul-xumo iyo waliba musuqmaasuq, isagoo xubno kamida Golaha Wasiirrada u soo jeediyey inay Iscasilaan “Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad ha iscasilo ayaan leeyahay, waxa meesha loo geeyey (Wasaarada), in lagu qariyo arrimaha Khiyaamada ah ee aan ka hadlay” ayuu yidhi Ramaax oo iminka Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayey Magaalada Boorama waxa uu tilmaamay in Miisaaniyada Dawladda goldaloollooyin badani ka muuqdaan, waxaanu xusay “Gobolka Awdal waxa miisaaniyada ugu jira $12000 oo lagu dhisayo dayr Dab-damisku leeyahay, siddee ayey ku dhici kartaa? meeday lacagtii loogu talo-galay horumarinta dalka ee ahayd 30%,”.

Mr. Ramaax ayaa sheegay inaan Miisaaniyada Dawladda ee 2019-2020 aanay ku jirin lacagta lagu kireeyey Dekedda iyo Madaarka Berbera, taasina ay tahay arrin khiyaamo ah.

Xoghaye Ramaax ayaa xilligii Xukuumaddii Siilaanyo xilal badhasaabnimo ka soo qabtay Gobolada Awdal, Saaxil, Togdheer, Gabiley iyo Sool, waxaanu dhawaan ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID

Advertisement

Ku Xayeysiiso