Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Somaliland Dadkeeda Ayaan Is Ictiraafin (Qaybtii 50aad) Qore: Maxamed Xoosh

Wasiir Sacad Cali Shire Wuxuu Ku Celcelin Jiray “ICTIRAAF WAANU HAYSANAA WAXAANNA U DALIILA DUNIDDA NALLA MACAAMISHA” Halkaa Run Ayuu Ka Sheegaayay Sacad Isagu Wuxuu Ku Dhaqmaayay Xeerka Dawliga Ah “De Facto”

Waxa Ka Horeeya Ictiraafka Dawliga Ah In Bulshada Degan Jamhuuriyadda Somaliland Iyaddu Is Ictiraafto Oo Isku Kalsoonaato Intaan Bulshada Dunida Laga Caban.

Jamhuuriyadda Somaliland Waxay Buuxisay Shuruudo Badan Oo Aan Laga Helin Dawladdo Iyo Boqortooyooyin Soo Jiray Dhawr Kun Sano

Waa Jamhuuriyad Dimuqraadi Ah

Dastuurku Wuxu Qeexayaa Xoriyaat Badan Sinaanshe, Muwaadino, Cadaalad, Sharcigu Inuu Sareeyo, Nidaamka Xisbiyadda faraha Badan, Doorashooyin Sharciya Oo Cod Hal Dheeri Ah Ku Dhisan, Hay`adaha Dawladdu Inaanay Gelin Siyaasadda “Dhibta Curyaamisay Afrika”, Warbaahin Xor Ah, Awood Ay Leeyihiin Odayaal Dhaqameedku Iyo Guurtidda Somaliland , Barlamaan La Doorto , Suuq Xor Aha ….

Muwaadin Hadii Aad Aaminsantahay In Wax Kaa Maqan Yihiin Sidoo Kale Hadii Ictiraaf La Helo Waxuun Kaa Maqnaan !!!

Dimuqraadiyaddu Waa u Cadow Bulshooyinka Ka Jaahilka Ah Siyaasadda Waxayse Kun Jeer Dhaantaa Kelitalisnimo Askari Dad Iyo Duunyo Uu Yeesho.

Markaad Muwaadin Ku Kalsoonaatid Dalkaaga Duniduna Kusoo Eegi Doontaa Oo Ku Aamini

Ictiraafka WEYN Wuxuu Ku Xidhan Yahay Sida Aad u Qurxisid Gudahaaga Waxaa Ka Kow Ah CADAALAD La Dhadhaweeyo.

Hogaaanka Dalka Waajibaadkiisa Waxa Ka Mid Ah Fakirka Iyo Dhaqanka Ku Lidiga Ah Dawladnimada Inuu Toosiyo Iyo Isku Kalsoonaanta Muwaadinka Oo Dhiso

Maxamed Xoosh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso