Itoobiya oo dib u soo celineysa qaar ka mid ah muwaadiniinteeda aan sharciga ku haysan wadamada caalamka

Dowladda Itoobiya ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo dhammaan muwaadiniinteeda ku dhaqan waddamada Caalamka ee aan sida sharciga ah ku joogin, sida uu sheegay Af-hayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda.

Dowladda Itoobiya ayaa Lixdii Bilood ee ugu dambeeyay Dalkeeda dib ugu soo celisay 44,500 Qof, kuwaas oo 4,168 ka mid ah laga kala keenay Waddamada Imaaraadka Carabta, Tanzaaniya, halka inta kalena laga keenay Dalka Sacuudiga.

Howlaha dib u celinta ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Safaaradda Jidda ee Dalka Sacuudiga iyo Ururro Caalami ah, sida uu Saxaafadda u sheegay , Meles Alem, oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Af-hayeenka ayaa sheegay  in Itoobiya ay xoogga saartay badbaadada muwaadiniinteeda, markii uu billowday dib u dhiska Dalkeeda, isagoo intaa raaciyay in dedaallada ay sii wadi doonaan dedaallada ku aaddan soo celinta muwaadiniinta ku dhibaateysan Waddamada shisheeye.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed, ayaa horraantii Sanadkan markii uu xafiiska la wareegay, waxa uu booqasho ku tagay Dalka Sacuudiga, isagoo halkaasi kasoo qaaday Diyaarad ay saarnaayeen muwaaddiniin u dhashay Itoobiya, kuwaasoo si sharci darra ah ku galay Sacuudiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso