2,241 Tahriibe ayaa Sanadkan oo kaliyaata ku dhintay (Mediterranean Sea) Badde dhexe

Warbixin uu shalay oo Khamiis ahayd soo saaray Guddiga gargaarka Qaxootiga Dalka Spain ee CEAR loo soo gaabiyo ayaa lagu sheegay in tan iyo markii ay billoowdeen safarrada sharci darrada ah Sanadkan oo keliya ay Badda dhexe (Mediterranean Sea) ku dhinteen 2,241, Qof oo tahriibayaal ah.

Guddiga lagu Magacaabo CEAR, ayaa sheegay  in tirada Dadka musaafuriinta aan sharciga ahayn ee ku dhintay Badda dhexe ee Mediterranean-ka ay aad u sareeyeen Sanadka 2018 , waloow ay kasii badan yihiin intii ku Naf weyday Sanadihii hore.

2,241 Qof ayaa tan iyo 2015-kii ku dhimatay (Mediterranean Sea) Badde dhexe, sida ay war-bixintu sheegtay.

Ku dhowaad, 56,480 Qof ayaa gaadhay Xeebaha Dalka Spain, halka Sanadkan 2018-ka oo qura ay 769, oo musaafuriin aan sharci ahay ay ku geeriyoodeen Badda, waa dhimashadii ugu sarreysay tan iyo markii uu Dalkaasi Spain noqday marinka ugu badan ee ay Tahriibayaasha Afrika ka galaan Waddamada Yurub.

Guddiga ayaa sheegay in qul-qulka tahriibta aan lagu xallin Karin wada hadallada Dowladaha ay ka yeeshaan, loona baahn yahay si kale loo wajaho, wuxuuna Gudigu kula taliyay madaxda Yurub in ay joojiyaan caqabadaha ka dhanka ah Qaxootiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso