Dr. Gees Oo ‘Dharaaro Xusuustood’ Kaga Hadlaya Siyaasadaha Gobalka Geeska Afrika Iyo Sannadka Cusub

Aragtida Ismaaciil Cumar Ee Maamulkii Tigreega + Warqad Uu

Marxuum Cigaal U Qoray Xoghayihii Guud Ee Qaramada Midoobay

“Waa lays qayaanaynayaa soomaali qaarow eh

Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo,

Booraan afkii laga qafilay qabarna hooseeyo

Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigan’eh

Maanaa midiyo lay qarshaa laygu qalidoono”

Abwaan Faarax Nuur Wacays

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku tegay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Xukuumadda Jabuuti uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taariikhdu markii ay ahayd bishii July ee sannadkii 2002-dii.

“Qoladiinan reer Somaliland waa idin ku hambalyeynayaa sida aad ugu dabbaalatiin maamulka Tigreyga ee Ethiopia xukuma. Dadka Tigreega waxa lagu xantaa inay dad shaki badan yihiin. Waxa uu soo qaatay hadal-hays ay Qoomiyadda Amxaaradu ku xammato Tigreyga, kaas oo ah wadnaha Tigreygu wuxuu u qalqalloocaa sida waddo buuraleyda carradooda ku taal oo ka dhaadhaca meesha la yidhaahdo Kareen oo qalqaloocda,” ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti oo ku marti-qaaday aqoonyahannada Soomaaliyeed shir uga qabsoomay magaalada Jabuuti, waxa uu ku baraarujinayey halisaha Soomaalida kaga soo fool leh siyaasadaha cusub ee ka hillaacay Mandaqadda Geeska Afrika, waxaannu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga digay dadka Soomaalida inay fiiro dheer u yeeshaan siyaasadaha cusub ee ka socda Geeska Afrika, isaga oo soo qaatay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah; “Waan baahannahay looma bakhtiyo cuno.”

Waa qof aad u yaqaan bulshada Itoobiya, ku soo dhex koray oo afafkooda yaqaan, sideedabanna qofku marka uu afkiisa ku hadlayo ayuu runta u dhowyahay. Marka uu af qalaad ku hadlayo runta waa ka fog yahay oo doorashada ereyada ayaa ku adkaata, sidaas darteed ayey Soomaalidu beenta ugu sheegtaa Ajnebiga.

Haseyeeshee, warkii uu Madaxweynaha Jabuuti ka jeediyey shirkii lagu falanqeeyey arrimaha Geeska Afrika ayaa duulay (gaadhay Itoobiya), waana la soo qan-jiidhiyey, kadibna Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu hadalkiisii hore toddobaadkan ka daba tuuray ammaan uu ammaanayo siyaasadaha Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed uu ka wado Geeska Afrika! Dowladda Maraykanka oo hawlahan iyo siyaasadahan cusub ku badhi-taaraysa Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Mr.Abiy Axmed oo iyadu soo maleegtay waxan socda ayaa iyana Jabuuti ku tuurtay oo tageertay Shirkadda DP World oo uu muran la xidhiidha maamulka Dekedda Dooraale ka dhexeeyo dowladda Jabuuti.

Sannadkii 2018 waa dhammaad, waxaanna inna saaran oo innagu soo fool leh sannad cusub, haddaba su’aashu waxay tahay sidee ayuu noqon doonaa xaalka Geeska Afrika? Su’aal: “Alahayoow maxay noqon ninkii lacag siistay awrkiiii?”

Jawaab: “Dee, waxa uu ku guuro ayuu waayi doonaa.”

Hore ayaa loo yidhi; “Isticmaarku halka uu awr marin doono irbad ayuu ku dayaa.” Sannadkii 1995-kii ayaa IGADD loo beddelay IGAD oo dastuurkii laga beddelay oo dalka Eratariya (Eritrea) xubinimo la siiyey, iyada oo aanay Jamhuuriyaddiii Soomaaliyeed saxeexin, illeyn dowladi ma jirin waqtigaas’eh. Waqtigaas waxa Madaxweyne Clinton la yimid mashruuc loo bixiyey The Grater Horn Initiative oo dalalka IGADD ku bahoobay lagu soo darayo dalalka Ruwandha (Rwanda) iyo Tanzaniya, iyadoo la caashaqsan yahay madaxda cusub ee kala ah;

Paul Kagame ee Madaxweynaha Rwanda,

Museveni oo ah Madaxweynaha Uganda,

Meles Zenawi Ex. Ra’iisal-wasaarihii Ethiopia iyo

Isaias Afwerki oo ah Madaxweynaha Eratariya

Waxa la rabay in dalalka Eratariya iyo Itoobiya oo iskaashanayaa ay qabtaan xeebta dheer iyo dalka Jamhuuriyaddii galbatay ee Soomaaliyeed, ujeeddadu waxay doonto ha noqotee. Hindisahan waxa dabada ka riixayey Maamulkii Madaxweyne Clinton ee xisbiga Dimuqraadiga oo ceebi ka raacday askartii lagaga dilay magaalada Muqdisho iyo diyaaradihii laga soo riday ee meydkii duuliyaha la jiid jiiday waddooyinka Muqdisho; duuliye kalena lagaga qabtay. Aayadda 54-aad ee suuratul Alcimraan waxa uu Ilaahay ku yidhi; “Wa makaruu wa makara laahu wallahu khayru maakiriin.” Wax yar kadib waa kii dagaalku ka dhex-dillaacay labadii dal ee Itoobiya iyo Eratariya. Halkaas ayeyna ku dhimatay sheekadii ahayd in la qabsado xeebta Soomaaliya, halka Uganda iyo Rwanda iyana ay isku dhaceen, dabadeedtana way burburtay fikraddii Greater Horn Initiative ee uu hindisaheeda lahaa Maamulka Madaxweyne Clinton.

Hadda ayaa faylkii dib boodhka looga tumay, sababta u weyn ee hadda loo soo rogaal-celiyey waa cabsida Maraykanku ka qabo in dowladda Shiinuhu ay ku habsato Afrika, waana qayb ka mid ah dagaalka la xidhiidha tartanka ganacsiga ee ka dhexeeya dalalka Maraykanka iyo Shiinaha.

Sannadihii dambe, Shiinuhu waxa uu maalgelin mug leh ku sameeyey labada dal ee Itoobiya iyo Jabuuti oo lacag ballaayiin doollar ah geliyey waddooyin iyo tareenno, dekedo iyo wershado. Shiinuhu waxa uu Itoobiya ka soo saaray shidaal (Baatrool iyo Gaas), halka Jabuuti-na uu ka yagleelay saldhig ciidan, hawlahaas oo ay dowladda Maraykanku ka didday (sastay), dabadeedna waxa kacdoon dadweyne xukunka lagaga tuuray qoladii reer Tigreega ee dalka Itoobiya ku amar-ku-taaglaynaysay ilaa sannadkii 1991-kii, kadibna waxa soo baxay Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed oo Oromo ah oo siyaasad cusub iyo war cusub la yimi!

Isaias Afwerki iyo Eratariya waa laga qaaqday cuno-qabatayntii ay saartay Qarammada Midoobay.

Dhulkii Itoobiya ka haysatay Isaias Afwerki iyo Eritrea waa looga kacay.

Markii la heshiisiiyey Itoobiya iyo Eratariya, waxa farta loogu yeedhay Farmaajaha dowladda waraabe-u-taagga ah ee Soomaaliya oo isku sawiray oo ku daba faylay Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki.

Waxa Soomaaliya loo ballanqaaday lacag dhan sagaal boqol oo milyan oo doolar ($900,000,000), lacagtaas oo uu bixinayo Maraykanku. Dowladdii Maraykanka ee uu Madaxweynaha ka ahaa George Bush, kana tirsanayd Xisbiga Jamhuurigu, way u qaybin jirtay deeqaha ay bixiso dalalka Soomaaliya iyo Somaliland oo waxay ku dhaqmi jirtay barnaamij la yidhaahdo Dual Track (siyaasadda laba-geesoodka ah).

Farmaajaha Soomaaliya lugaha ayuu qabsaday Afwerke iyo Abiy Axmed oo waxa uu iloobay Somalinimadii iyo walaalahii Jabuuti ee soo dhisay.

Wixii uu ismaaciil kugu mitiday meel ma aad marin eh

Maryoolayda reer musawac maxaa magane kuu geeyey

Afwarke iyo colkiisii maxaad ula mataanawday.

Alleylehe reer Jabuuti ha arkeen waxa ay isku seegeen Somaliland iyo Soomaaliya, waana islaweynida iyo abaal-dhaca Walaweynta. Warqad uu marxuun Cigaal u qoray Xoghayihii Guud ee Qarammada Midoobay waqtigii Burtus Burtus Qaali,ayuu ku yidhi; “Somalia leaders believe that they own Somaliland’s People and properties by mythical right and unfortunately the UN supports that hallucination.”  Taas oo macnaheedu yahay; “Waxa siyaasiinta reer Soomaaliya ka dhaaadhacsan lahaansho khayaali oo ay ku sheeganayaan dadka iyo hantida dalka Somaliland; taas ayey ku garabsiinaysaa Jimciyadda Qaruumuhu.” Waxa ay Walaweynta (Reer Soomaaliya) la tahay inay leeyihiin Hargeysa iyo Jabuuti oo ay la tahay inay xaq u leeyihiin inay ka xukumaan Muqdisho!

Mashruucan siyaasadda Geeska oo uu dirawal ka yahay Gacanyarihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Maraykan oo la yidhaahdo Ambassador Donald Yamamoto, kaasoo asal ahaan ka soo jeeda dalka Japan (khayr badan ma leh reer Japan oo biyo ku waraabinmaayaan, iyaga oo ahaa waddanka labaad ee dhaqaalaha dunida, haddana wax deeq ah ma bixiyaan oo qaxoonti ma qaabilaan). Ambassador Yamamoto oo horena safiir uga soo noqday Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Itoobiya, haddana ah safiirka Maraykan ee Soomaaliya, xagee ayuu ku dambeyn doonaa? Ma kii ka horeeyey “Greater Horn Initiative,” ayuu raaci, mise wuu guulaysan doonaa. Bal adba!

Dalka Jabuuti, waxa lagu dirqiyayaa inay dekedda Dooraale ku celiso gacan-ku-hayntii Shirkadda DP World, isla markaana ay macasalaamayso Shiinaha. Itoobiya waxa la rabaa inay ciidamo geyso Soomaaliya marka ciidammada AMISOM waqtigoodu dhammaado (2020), iyada (Itoobiya) iyo Eratariya-ba ay bustihiisa bannaanka u dhigaan Shiinaha. Dalka Itoobiya oo aan bad lahayn oo ciidamo badeed samaysanaysa. “Alla faan weynaa!! Xaggee ayey degayaan? Maxaa kuu baxay Bowee!!

Suurtagalnimada siyaasaddan cusub ee Gobolka Geeska Afrika, shaki weyn ayey leedahay, sida Madaxweyne Ismaaciil Geelle u sheegay in laga fiirsado ay u baahan tahay, waxaanna muhiim ah inay iska-garabsadaan dalalka Somaliland iyo Jabuuti oo ah labada waddan ee loo dan leeyahay, iyada Soomaaliya waa la haystaaye.

Reer Jabuuti waa inay iska iloobaan heestii ahayd; “Soomaaliyeey isku–tiirsada.” Taas oo markii ay soo baxday ay reer Berbera si aad ah uga yaabeen oo kaftan badan laga sameeyey. Waayo hore waxa jiray oday dadka ku tiirsada oo ku tiiriye la odhan jiray!! KKKK

Siyaasaddan cusubi waxay ku fadhidaa xasiloonida iyo taabogalka dowladdan Oromada ee uu shukaanta u hayo Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed; waxa aan soo aragnay Itoobiya oo uu xukumo Haybadle Boqor Haile Selassie, iyada oo kacaan-yahan Mengistu xukumo oo labaduba Amxaaro ah iyo Ethiopia oo Meles Zenawi xukumo oo Tigree ah. Hadda waa Abiy Axmed oo Oromo ah, “Shufnaa maraakiib macadallaa hawaari!” Oromadu xukunka ama inay wax xukumaan umaha laha aqoon, dhaqaale iyo taariikh soo jireen ah.

Waa dad muddo dheer la haystay oo la cabbudhiyey oo la yasi jiray oo diin lagu kala qaybiyey, Muslin iyo Masiixi; durba waxay dhac iyo dil ku bilaabeen aar-goosi ah qoomiyadihii kale, wayna kala jabeen oo qaybtii masiixiga ahayd oo 10 milyan ihi waxay hoosta ka gashay Amxaaradii oo uu kor u kacay dammacoodii ahaa inay ku soo noqdaan xukunkii ay ay boqolaalka sanno hayn jireen.

Qoomiyadda Tigreegii ee laga tuuray taladii dalku waa ay dudayaan oo waa is-abaabulay. Xasiloonida Itoobiya far ayaa ku godan. Eratariya haddii dhulkeeda looga kaco, cuno-qabatayntiina laga qaaday dib u aamin mayso Itoobiya oo durba xadkii waa xidhay markii 27 kun oo reer Eratariya  ihi u qaxeen Etoobiya oo magangelyo siyaasadeed weydiisteen oo iska diiwaangeliyeen Hay’adda UNHCR ee qaxootiga u qaabilsan Qarammada Midoobay.

Waxa Madaxweye Isaias Afwerki uu diiday in ciidammada badda ee ay Itoobiya yagleelayso ay dib ugu soo laabtaan dekedaha Eratariya, isaga oo ka shakisan reer Galbeedka waxa uu hoosta uga oggolaaday in Ruushku uu soo dego xeebaha dalkiisa. Caga-barruurka siyaasadda ee dhowaan-soo-galeenka ah ee Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu u saxeexay in Ciidanka Badda ee ay Itoobiya samaysanayso ay degaan afar Dekedood oo Soomaaliya ah, iyadoo la sheegay in Madaxweyne Isaias Afwerki uu Farmaajo uga digay tallaabadaas!!.

Dowlad-ku-sheegta Soomaaliya ee la ictiraafay iyada oo dadkeeda kalsooni ka haysan, dalkeedana xsukumin, iyadoo ay ictiraafkaasna hormuud ka ahayd haweenayda la yidhaahdo Crooked Hilary Clinton (Xoghayihii Arrimaha Dibadda Maraykanka, xiligii Obama), dhadhaarka saddexaad ee Siyaasadda cusub ee Geeska Afrika ma sii jirayso oo waa ay burburaysaa, imisa ayaa lagu daba gabban ciidamo shisheeye, “Tooba al caara maa yakhabi_____”

Dalka Maraykanku waxa uu dalka Afghanistan ku kharash gareeyey sagaal boqol oo bilyan oo dollar! ($900,000,000,000) iyo isbahaysiga naato oo ciidmo keenay, haddana waxa la xaqiijiyay in maanta ay Taalibaantu ugu xoog badan tahay oo ka taliyaan gobollo badan..

Haddii caqligu ila jirin waaniga jiciirtee,

Jaw nabadgelyo, jaw nabadgelyo.

Sannad cusub oo khayr qabaa akhristayaasha xurmo iyo qadarinta mudanow, “Kii noo hagaagee noqo loo han weyn yahay.”

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso