Xuduudda Mareykanka iyo Mexico oo caruur ku geeriyootay

Caruurta dadka muhaajiriinta ah eek u xaniban xuduudaha Mareykank uu la wadaaga dalka Mexico ayaa lagu soo waramaya in ay u geeriyoonayaan daryeel xumo iyo dhibaato caafimaad maadaama ay ku nool yihiin xaalad aaad u liidata.

Wararkii ugu dambeyeey ayaa sheegay in cunug 8 jir ah oo lagu magacaabi jiray Felipe Alonzo-Gomez uu ku geeriyooday xabsi ay leedahay dowladda Mareykanka oo lagu haayo dadka soo galootiga ah,kaasi oo qoyskiis aay ka yimaadeen wadanka Guatemala oo kamid ah wadamada dhaca badhtamaha Amerika.

Xubno ka tirsan Congresska Mareykanka oo ka soo jeeda gobolka Texas aya arrintani dhaleeceeyey,waxaana ay sheegeen in bil gudeheeda ay tahay geerida cunugii labaad oo xabsiga ku dhimanaya.

Horey waxaa u geeriyoday Jakelin Caal  oo ahaa 7 sano jir kadib markii la xabisay,waxaana uu ka soo jeedaa isla dalka Guatemala,xubnaha Congresska ayaa dalbanaya in baadhitaano dhab ah lagu sameeyo sababta keentay geerida caruurtaasi.

“Waa in aan xaqiijinaa in in aan ula dhaqmayno dadka soo galootiga ah si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul-insaanka iyo in aan siinayno adeegyad aas aasiga ah oo ay u baahanyihiin,qofkasta oo kujira xabsiyada dowladda Mareykanka waa in uu xuquuqdaasi helaa”.sidaasina waxaa yidhi  congressman Joaquin Castro .

Dadka ugu badan ayaa waxaa ay ka imaanayaan wadamada Guatemala, Honduras and El Salvador oo dhaca badhtamaha Amerika,iyagoo ka soo cararaya,faqrinimada,qalalaasiyaha,iygoo taasi bedelkeeda doonaya in nolol wanaagsan ay ka helaan Mareykanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso