Dhulgariir Ruxay Jasiiradda Seychelles ee Talyaaniga

Dhulgariirkan oo cabirkiisu yahay A 4.8-magnitude ayaa ku dhuftay Jasiirad kutaala Dalka Talyaaniga ee Qaaradda Europe,kaasi oo ka dhashey khasaare naf iyo maal isugu jira.

Warbaahinta Dalka Talyaaniga ayaa soo warinaysa in dhulgariiskaasi uu ku dhuftay Jasiiradda lagu magacaabo,Seychelles, oo ku taala meel buuralay ah oo inta badan aad uga qaraxdo,Volcano,waxaana ilaa iyo haatan la sheegayaa in 21qofood uu dhaawac soo gaadhay,waxaana jira burbur hantiyadeed.

Guryo iyo xarumo badan ayaa burbur uu soo gaadhay,sidoo kale waxaa si Ku meel gaadh ah loo xidhay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Catania Airport ee imaanayay ama ka baxayay jasiiradda, Seychelles ,si loo baajiyo saameyn ka dhalata dhulgariirka.

Dadka degan buuralayda ayaa lagu wargeliyay in ay halkaasi isaga baxaan,si looga fogaado waxyeelo soo gaadha,waxaana uu dhulgariirkaasi si aad u ruxay deegaanka Viagrande

Catania waa magaalo ay ku nool yihiin in ka badan 300,000 kun,kuwaasi oo ka walwalsan saameynta dhulgariirkaasi, majiro ilaa iyo haatan war ka soo baxay dowladda Talyaaniga ee ku aaddan arintani,balse waxaa socda howlo gurmad ah oo lagu badbaadinaayo dadka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso