Boliiska Kenya oo helay xogta Silvia Romano, oo dhawaan ay Afduubteen Kooxo Hubeysan

 Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay weli nooshahay , Silvia Romano,oo ay dhawaan koox Dableey ah ka Afduubatay Degaan xeebeedka Malindi.

Taliya Boliiska Gobolka Xeebta Dalka Kenya,Noah Mwivanda ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in ay Ms, Romado, weli nooshahay , kuna sugan tahay Dalka Kenya.

“Waxaan haynaa warar xaqiiqa ah,waxanan aaminsannahay in Ms,Romano,oo 23 jir ah ay weli nooshahay,waxanan sidoo kale rumeysannahay in lagu hayo Dalka gudahiisa”, ayuu yidhi Mr; Mwivanda.

Warar kale oo ka soo baxay Boliiska ayaa sheegaya in haatan Afduubayaashu ay Gabadhaaassi ku hayaan gudaha Magaalada Gaarrisa ee Waqooyi bari Kenya, iyagoo doonaya in ay ula dhaqaaqaan xagga Soomaaliya.

Gabadhan, oo dabayaaqadii Bishii Novembar ee Sanadkan, laga Afduubtay Degaanka Malindi ee Dalka Kenya, ayaa xubin ka ahayd hay’ad samafal, oo la shaqysa Urur aan Dowli ahayn oo lagu Magacaabo, Africs Milele Onlus, kaasoo qaabbilsan waxbarashada Carruurta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso