Trump oo Ogolaaday Casuumaad uu u Fidiyay Madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump  ayaa ogolaaday in sanadka soo socda uu booqasho rasmi ah  ku tago dalka Turkiga,sida uu ka dhawaajiyay Afhayeen u hadlay xafiiska Madaxtooyada dalkaasi.

Afhayeenkaasi oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa sheegay in casuumad uu fidiyay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu aqbalay Donald Trump,isla markaana uu sanadka soo socda doonayo in uu safar ku yimaado magaalada Ankara,inkasta oo la tilmaamay in aan waqti loo qaban.

Aqaqlka Cad ayaa xaqiijiyay casuumadda soo gaadhay Trump walow aysan bixin sharaxaad iyo xilli mucayin ah .

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump bishii May ee sanadkii tagay waxa uu martigaliyay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Tallaabadan ayaa timid ka dib kolkii todobaadkii tagay ay khadka taleefanka ku wada xidhiidheen labada hoggaamiye,kuwaas oo ka wadahadlay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Siiriya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso