Madaxweynaha Suudan oo ku Dhawaaqay Nidaam cusub oo Dib u habeyn loogu sameynayo Dhaqaalaha Dalkaasi

Madaxwaynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ku dhawaaqay nidaam cusub oo dib u habayn loogu samaynayo dhaqaalaha dalka, si wax looga qabto maciishadda quutal daruuriga ah oo sii qaaliyoobaysa.

Al-bashiir waxa uu u jeediyey dadka banaanbaxyada dhigaya ee ka cabanaya qiimaha Ceeshka oo sare u kacay inaan looga faa’iidaysan burburinta dalka oo aysan ku dhex dhuuman kooxaha qaswadayaasha ah ee cadawga u shaqeeya.

Ciidamda ammaanka ayuu ku bogaadiyey inay xakameeyeen xaaladda, ayna hor istaageen rabshado khasaare ay ka dhalan lahayd, sidoo kalena ay ilaaliyeen badqabka muwaadiniinta.

Wakaaladda wararka Sudan ee SUNA ayaa xustay in dib u habaynta dhaqaale ee madaxwaynuhu ku dhawaaqay uu diiradda saarayo, nidaamka suuqyada, wax soo saarka gudaha iyo Bankiyada, si heer nololeedka bulshada looga dhigo mid la awoodi karo.

Dhawrkii sano ee ugu dambeeyey waxaa dalka Sudan ka dhacay banaanbaxyada shacabku ay uga canbanayaan dhaqaale xumo, balse dawladda Sudan waxay samaysay tallaabooyin badan oo nidaamka dawladeed lagu ilaalinayo, waxaana Sudan ay ka badbaaday isbadallada Guga Carabta oo wadamo badanoo carbeed colaad dhaxalsiiyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso