Madaxweynaha Mexico oo ka hadlay mas’uuliyiin shil diyaaradeed ku dhintay

Shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Mexico ayaa ka dhashey dhimashada dad mas’uuliyiin ahaa oo isugu jiray xildhibaan iyo guddoomiye gobol,kadib markii ay burburtay diyaarad ay saarnaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Puebla state ee dalkaasi Mexico Martha Erika Alonso,seygeedi Rafael Moreno Valle,2 duuliye iyo qof kale oo diyaaradda saarnaa ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalkaasi markii ay burburtay diyaarada nooca Helcopterka ah oo ay saarnaayeen xili ay ka kacaysay garoonka diyaaradaha caasimadda Puebla .

Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Mexico Andrés Manuel López Obrador ayaa xaqiijiyay geerida guddoomiye Martha Erika Alonso iyo seygeeda Rafael Moreno Valle kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka isagoo adeegsanayay luuqadda Spanishka.

Wuxuuna sheegay in ay jiraan baadhitaanno ku aadan sababaha dhaliyay shilkaasi.

Miss Martha Erika Alonso ayaa ah haweeneydii ugu horeysay ee guddoomiye ka noqotay gobolkaasi Puebla Satate ee Mexico kadib markii ay ku soo baxday doorasho adag oo halkaasi ka dhacday dhawaan,waana 45 sano jir ka tirsanayd xisbi u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Baarlamaanka maamulkaasi Puebla ayaa horyaala in ay doortaan hogaan cusub oo KMG ilaa doorasho ay ka dhacaysa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso