Maraykanka oo joojinaya dagaalka xagga Cirka ah ee uu kula jiray Daacishta…

Wasaaradda difaaca Dalka Maraykanka ayaa joojisay Afar Sana ka dib,  weerarradii xagga Cirka ahaa ee lagu bar-tilmaameedsanayay Daacishta Suuriya, ka dib markii sida uu maamulka Trump sheegay laga gaadhay guulo wax ku ool ah dagaalka IS.

Madaxweyne Trump, ayaa Arbacadii Todobaadkan ammar ku bixiyay in dhammaan Ciidanka Maraykanka ka jooga Suuriya laga soo saaro, wuxuuna sheegay inaysan jirin sabab ay Dal bur-buray usii joogaan mar haddii laga adkaaday Daacish.

Ku dhowaaqista ah in Ciidanka Maraykanka laga saaro Dalka Suuriya, ayaa waxay suurta gal ka dhigaysaa in la joojiyo Duqaymaha xagga Hawada, iyadoo ay jiraan Saldhigyo Ciidamada Cirka ah oo ku yaal meelo ka baxsan Suuriya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Waddamada Turkiga , Ciraaq iyo Qadar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso