Faah faahin ka soo baxaysa duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab

Taliska Militariga Mareykanka ayaa war uu soo saaray kaga hadlya duqeymo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo dhawaan ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeelada Hoose.

Wakaaladad Wararka Mareykanka (AP) oo soo xiganaysa qoraal ka soo baxay Africom ayaa sheegaysa in duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Beledul-Amiin ee Shabeelada Hoose,taasi oo jawaab  u ahayd isku dayo ay doonayeen Alshabaab in ay weerar ku soo maleegaan.

Waxaa duqeyntaasi oo dhacday Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab,mana jiraan wax khsaare ah oo soo gaadhay ciidanka hawlgalkaas fuliyey.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay duqeymaha iyo howlgalada tooska ah oo lagu beegsanayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyaadka Alshabaab.

Advertisement

Ku Xayeysiiso