Sideed Ruux oo ku dhimatay qarax Miino oo ka dhacay Dalka Itoobiya

Ugu yaraan Siddeed Qof oo Rayid ah ayaa ku geeriyootay qarax Miino oo ka dhacay agagaarka Degmada , Mao-Komo, oo ka tirsan Gobolka, Benishangul Gumuz, ee Dalka Itoobiya, sida ay baahisay warbaahinta gudaha Dalkaasi.

Gaadhigan oo ahaa Bas yar, isla markaana ay saarnaayeen 11 Qof oo rakaab ah, ayaa dul maray Miino nooca Dhulka lagu aaso ah, meel ku dhow xadka kala qaybiya Gobollada , Benishangul Gumuz iyo Oromiya, sida uu Saxaafadda u sheegay, Kamaal Idriis, oo ah madaxa ammaanka iyo siyaasadda ee Degmada , Mao-Komo.

Boliiska Itoobiya ayaa billaabay baadhitaanno ku aaddan sidii ay ku heli lahaayeen Cidda halkaasi gelisay Miinadan, mana jirto Koox sheegatay falkan.

Dhulka Itoobiya ayaa ka mid ah meelaha Caalamka ugu Miinada badan, iyadoo horay loo diiwaan geliyay caddadka Miino ee ku jira halkaasi inuu gaadhayo, 250,000.

Advertisement

Ku Xayeysiiso